Shirkadda Coastline oo lacag siisay 3 maamul goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Coastline Exploration oo fadhigeedu yahay Mareykanka, isla-markaana maalmo kahor ay dowladda Soomaaliya u saxiixday heshiiska shidaal baarista ee dalka ayaa ku dhowaaqday taageero ku aadan gurmadka abaaraha.

Coastline Exploration ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacagn dhan 1.4 milyan oo dollar, taas oo cunto gargaar lagu siinayo 6,000 oo qoys oo ku nool K/Galbeed, Jubbaland & Galmuudg.

Lacagtaan ayaa lagu soo iibin doonaa raashin noocyo kala duwan leh oo la gaarsiin doono saddexda magaallo ee xeebaha ku yaallo ee kala ah Baraawe, Kismaayo iyo Hobyo.

Dhammaan saddexda goobood ee ay bartilmaameedsatay ayaa ku dhow meelaha ay ku yaalaan ceelasha batroolka, ayada oo ay arrintan u muuqata mid looga hortegayo gadood ay suurtagal tahay inay sameeyaan dadka deegaanka, maadaama saameyn ku yeelaneyso.

Qoraalka ka soo baxay Coastline Exploration ayaa lagu sheegay in 2,000 qoys oo ku nool gobol kasta la siin doono lix nooc oo cunto ah sida Sonkor, Bariis, Bur, Saliid, Isbaanish iyo Caano. Qoys kasta ayaa heli doono 87.5 kg oo cunto ah iyo sidoo kale 20 litir oo saliid ah.

Madaxa fulinta ee shirkadda shidaalka ee Coastline Exploration, Richard Anderson oo ka hadlay lacagtaan ayaa sheegay inay uga qayb qaadanayaan gurmaadka abaaraha ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyey in dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin caawimaad.

“Soomaaliya waxay u baahan tahay caawin si ay u yareyso xaaladaha abaarta & sidoo kale macluusha daba dheeraatay ee saameeyay qoysas badan. Waxaan rajeyneynaa in deeqdan raashinka ah ay wax ka bedesho xaaladda. si dhibaatada loo yareeyo” ayuu yiri Mr Richard.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajahaysao abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah, kaddib afar xilli oo xiriir ah oo roob yari uu sababay in xoolihii ay dhintaan, dalagyadii beerahana ay baaba’aan, iyadoo dadka reer miyiga ah ee ku nool meelaha ay adag tahay in la gaaro ay yihiin kuwa ugu daran. Waxay sidoo kale abaarta saamaysaa ku dhawaad illaa 7.8 milyan oo qof oo ah kala bar dadka iyo 90% dalka waxaa soo food saartay macluul.