Soomaaliya oo Serbia uga mahadcelisay gar-gaar ay soo gaarsiisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Serbia ayaa deeq gar-gaar ku wareejisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee Soomaaliya.

11-tan oo isugu jira dawooyinka, cuntooyinka carruurta iyo gar-gaar kale ayay la wareegtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Waxaa goob joog ahaa guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin, xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo agaasimaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka.

Gar-gaarkan ayaa la gaarsiin doonaa dadka ay abaaraha saameeyeen, sida uu sheegay guddoomiye Maxamuud Macallin. 

Dowladda Soomaaliya ayaa ka mahadcelisay gar-gaarkan, waxaana ay shacabka iyo dowladda Serbia ku bogaadisay garab istaagga ay u muujisay Soomaaliya.

Gargaarkan ayaa hor dhac u ah gar-gaar kale oo ay Jamhuuriyadda Serbia ugu talo gashay in ay ku caawiso Soomaaliya. 

Soomaaliya iyo Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir qoto dheer.