Sawirro: Qarax dhimasho iyo dhaawac badan sababay oo ka dhacay magaalada Istanbul

Istanbul (Caasimada Online) – Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay, 53 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ruxay waddada Istiklal Avenue ee degmada taariikhiga ah ee Beyoglu ee magaalada Istanbul, sida uu xaqiijiyey barasaabka magaalada Ali Yerlikaya. 

Qaraxa ayaa dhacay abaare 16:20 pm, sida uu sheegay Yerlikaya. 

“Booliskeena, caafimaadka, dab damiska iyo kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa loo diray goobta. Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac. Wixii kusoo krodha dib ayaan idin kaga soo sheegi doonnaa,” ayuu yiri.

Booliska ayaa xiray waddada Istiklal sababo la xiriira suurta-galnimada qarax labaad, sida ay ku warantay warbaahinta Turkey.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinayey meydad iyo dhaawacyo dhulka yaalla, oo uu ku jiro canug yar. Illaa iyo hadda ma cadda waxa sababay qaraxa.

Dhinaca kale, hay’adda sharci-dejinta warbaahinta Turkey ee TRUK ayaa manuucday in la baahiyo sawirrada qaraxa ama la bixiyo warbixin ku saabsan marka laga reebo bayaanada dowladda.

Bayaan kasoo baxay xafiiska dacwad-oogaha guud ee magaalada Istanbul ayaa lagu sheegay inuu billaabay baaritaan lagu sameynayo dhacdadan. 

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyey qaraxan “aadka u xun,” wuxuuna sheegay in lagu dilay 6 qof, islamarkaana 53 kale lagu dhaawacay.

“Si dhab ah uma dhihi karno waa weerar argagixiso, balse waxaa jira astaamo muujinaya, inta aan ogahay. Waxaa jirta haweeney ku lug laheyd dhacdadan,” ayuu yiri madaxweyne Erdogan.

“Hay’adaha ku shaqada leh ee dalkeena ayaa ku howlan inay helaan kuwa ka dambeeyey qaraxan aadka u xun.”