Dagaal culus oo galabta ka dhacay Hiiraan iyo khasaare badan oo ka dhashay

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ka dhacay deegaan lagu magacaabo Cabdi-cagweyn oo u dhow deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan, waxaana lasoo werinayaa in khasaare culus uu ka dhashay dagaalkaas.

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa deegaanka ayaa galabta kooxda Al-Shabaab ku weeraray deegaanka Cabdi-cagweyn, waxaana halkaas looga dilay dagaalamayaal badan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegay inay maalmihii lasoo dhaafay fariisimo ka sameysteen deegaankaas, kadib markii ay dhanka bari uga soo talaabeen wabiga Shabeelle.

Dadka ku nool deegaanadii lagu dagaalamay maanta, ayaa sheegay in tobaneeyo Shabaab ah meydadkooda lagu arkay deegaan, balse ma cada tirada rasmiga ah ee khasaaraha kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay inay kooxda Al-shabaab kala wareegeen fariisimahii ay ka sameyteen deegaanka Cabdi-Cagweyn.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay deegaano kale oo dhaca jiinka wabiga Shabeelle, gaar ahaan dhinaca bari ee wabiga ay kala wareegeen kooxda Al-Shabaab, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay ay ku sugaanaayeen dagaalyahano ka tirsan kooxda.

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalameysa deegaanada dhaca jiinka wabiga Shabeelle ayaa doomo uga soo gudba wabiga, iyagoo fariisimo waa weyn ku leh dhanka deegaanada Galbeed ee jiinka  wabiga.

Wabiga Shabeelle ayaa kala bara deegaanada biriga iyo galbeedka ee gobolka Hiiraan, waxaana kooxda laga xoreeyey deegaanada bari, iyagoo weli ku harsan deegaano badan oo wabiga ka xiga dhinaca galbeed.