Koonfur Galbeed oo soo saartay awaamiir culus xili ay xiisad xoogan taagan tahay

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed ayaa soo saartay awaamiir culus oo la xiriirta dhanka amniga, xili ay weli taagan tahay xiisada siyaasadeed ee maamulkaasi.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu mamnuucnay in hub lagu dhex qaato magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayada oo fartay laamaha amniga inay tallaabo sharci ah ka qaadaan qof walba oo ka talaabsada awaamiirtan soo socota:

1. Askari walba oo ka tirsan ciidanka militariga SNA ee qaybta 60-aad waxaa lagu amreyaa in ku sugnaado ama ku ekaado xeradiisa/xeradeeda, askarigii lagu arko asagoo/ayadoo magaalada dhexdeeda hub ku sita/sidata haba watee direyska ciidanka, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo sharci ah.

2. Askari walba oo ka tirsan ciidanka Booliska, Daraawiishta iyo nabad-sugida DKGS ee lagu arka isagoo/ayadoo direys la’aan ah hub ku sita/sidata magaalada dhexdeeda, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga.

3. Shakhsiyaadka rayidka ah ee hubeysan oo hadana haysta ogolaanshah wasaaradda amniga gudaha DKGS, haddii lagu arko isagoo/ayadoo u isticmaaleya/isticmaaleysa si ka baxsan sifadii ogolaanshaha hub qaadashada, waxaa lagala noqon doona ruqsadii loo siiyay hub qaadashada waana lagala wareegi doonaa hubka uu haysto/haysato.

4. Shakhsiyaadka rayidka ah ee hubeysan oo aan ogolaansho ka haysan wasaaradda Amniga Gudaha DKGS, waxaa la fareyaa in muddo 10 cisho gudahooda ay la soo xariiraan wasaradda Amniga Gudaha laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 18 December 2022-ka, cidii u hogaansami weyso amarka wasaaradda waxaa lagala wareegi doonaa hubka uu haysto/haysato.

5. Cid Allaale cidii lagu arko aydoo/isagoo hub ku sidata/sita magaalada Baydhabo dhexdeeda oo aan ka aheyn Ciidamada Ammaanka ah ee ku shaqada leh, waxaa laga qaadi doonaa tallaabo waafaqsan sharciga.