Dowladda oo soo bandhigtay mid kamid ah nabadoonadii la shaqeyn jiray Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa maanta gobolka Shabeellaha Dhexe kusoo bandhigtay Saciid Xuseen Raage oo lagu sheegay inuu kamid ahaa nabadoonadii la shaqeyn jiray Shabaab-kii ku sugna gobolkaasi.

Waxay sheegtay in nabadoonkaan uu ka howl-gali jiray aagga deegaanka Masaajid Cali-Gaduud illaa deegaanka Guulane, islamarkaana uu kooxda Al-Shabaab si gaar ah ugu qaabilsan ururinta Zakawaadka.

Nabadoonkaan ay dowladda soo bandhigtay ayaa waxa uu maanta isku soo dhiibay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ee ku sugan deegaanka Furqaan ee Shabeellaha Dhexe, kaasi oo dhawaan laga xoreeyay Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa xusid in nabadoonkaan uu kamid ahaa dadkii Shabaabka horey usii raacay kadib markii laga saaray deegaanka Masaajidka Cali-Gaduud.

Duulaan culus oo lagu qaaday deegaannada Shabaabku weli ku dhuumaalaysanayaan ayaa waxay keentay in dad badan oo ka tirsanaa ay dib ugu soo laabtaan dhulkii la xoreeyay.

Dowladda Soomaaliya ayaa hore u ballan-qaaday in aan la taaban doonin qofkasta oo isku soo dhiiba gacanta dowladda, kana soo baxa Al-Shabaab. Sidoo kale waxay dhowr jeer baaqyo kala duwan u dirtay weli dhalinyarada baaqiga ku ah kooxda ee la maran-habaabiyay, si ay naftooda ugu waayin dagaalka socda ee ka dhanka ah argagixisada.