CC Shakuur oo shaaciyey xog ku saabsan sarkaalka billaabay dagaalka Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) – Ergeyga arrimaha abaaraha u qaabilsan Madaxweyne Xasan Sheekh, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay weerarkii saaka lagu qaaday guriga mid kamid ah siyaasiyiinta mucaaridka ee Koonfur Galbeed, isaga oo wax laga xumaado ku tilmaamay in weli uu dalka kasii socdo falkii lagula kacay 5 sanno ka hor.

Ergeyga oo soo xiganaya cod laga baahiyay Taliyaha Booliska Koonfur Galbeed oo si bareer ah ugu hanjabaya mid kamid ah musharaxiinta mucaaridka ah ee maamulkaasi ayaa sheegay in uu weerar ku qaadi doono, una gali doono sidii hore uga dhacday guriga Cabdiraxmaan ee Muqdisho.

“Sargaalkan oo la ii sheegay in uu yahay taliyaha Booliska Koonfur Galbeed ayaa maalin sii horraysay isagoo magacayga iyo reerka aan ka soo jeedo sheegaya tusaale iigu soo qaatay in sidii hoygayga loo weeraray uu guri siyaasi reer Koonfur Galbeed leeyahay u weerari doono. Waa gartiis, sababtoo ah ciddii weerarkaas gaysatay waxba looma raacan, saakay ayuuna hoygii siyaasaga weeraray,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaan canbaaraynayaa falkaas gurracan ee cabburiska iyo awood sheegadka ah.”

Cabdiraxmaan ayaa ugu baaqay madaxda sare ee dowladda federaalka inay waajibkooda dastuuriga ah gutaan, joojiyaana xukunka xoogga lagu doonayo iyo xabadda siyaasadda lagu xallinayo.

“Dagaal sokeeye ee dalkeena ka dhacay, hoggaamiye kooxeedkii, Al-Shabaab iyo argagagexiso oo dhan keenay waa sal u ahaa masaaxada siyaasadda oo la xiray, kuwii talada hayayna ay damceen in ay xukunka xoog ku haystaan, kuwii ka diidayna markii ay marin kale waayeen ay qori kaga tuureen.”

“20 kii sano ee na dhaaftay, markii laga reebo shantii sano ee ugu danbaysay, xukunka iyo talada dalka nabad ayaa lagula kala wareegayey. Kuwa isku deyaya in rajiimkii tegey raadkiisa ku sii joogaan waa in aan si wadajir ah meel uga soo wada jeesanaa.”

Siyaasiga gurigiisa Baydhabo maanta la wareeray oo lagu magacaabo Maxamed Aadan Ibraahim (Fargeeti) ayaa kamid ah musharaxiinta mucaaridka ah ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Lafta-gareen, wuxuuna qudhiisa warbaahinta ka xaqiijiyey in hore ugu hanjabeen qaar kamid ah saraakiisha maamulka Koonfur Galbeed.

“Saraakiisha oo qaar kamid ah ay hore u sheegeen in gurigeyga ay weerari doonaan, oo waardiyaaasha meesha ii jooga kabahooda ku aasi doonaan wey sheegeen. Wixii ay sheegeen ayey maanta fuliyeen,” ayuu yiri Fargeeti.

Weerarka ay maanta ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ku qaadeen guriga Fargeeti ayaa uga sii dareysa xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, ayada oo mucaaridka ay sheegeen inay is-difaaci doonaan haddii ay si dhaqso ah usoo fara-gelin weydo dowladda federaalka.