Mursal oo shaaciyey cidda billowday dagaalka Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa war ka soo saaray xiisada ka taagan magaalada Baydhaba ee gobolka Bay, isagoo fariin u diray Cabdicasiis Laftagareen.

Mursal oo ugu horeyn cambaareeyay wixii maanta ka dhacay Baydhaba ayaa sheegay in xalka kaliya ee lagu kala badbaadi karo uu yahay in madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen uu ogolaado doorashada.

Maxamed Mursal ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in maamulka Laftagareen uu maanta weeraro guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya Fargeeti oo hadda ah musharax u taagan hoggaaminta K/Galbeed.

“Waxaa nasiib darro ah in magaalada Baydhaba ay saaka kusoo waabariisato dagaal, halkaasi oo madaxweyne Laftagreen oo muddo xileedkiisa uu dhammaaday uu amar ku bixiyay in la weeraro guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Farkeeti. Waan cambaareyneynaa, xalna kuma jiro xoog, laakiin xalka waxa uu ku jiraa doorasho,” ayuu yiri Maxamed Mursal.

Guddoomiye Maxamed Mursal oo hada ah Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa lagu xusuustaa inuu ahaa saaxiib aad ugu dhow Cabdicasiis Laftagareen, wuxuuna ka mid ahaa xubnihii uu kursiga soo siiyey intii ay socotay doorashadii heer federaal.

Shaqaaqo weyn oo salka ku heysa mudo kororsiga Laftagareen ayaa maanta ka dhacday Baydhaba, kadib markii ciidan ka amar qaata Madaxweynaha Koonfur Galbeed ay saakay waaberigii hore weerareen guriga uu Baydhaba ka degan yahay musgarax Fargeeti, inkastoo ciidankiisa ay aad isku difaaceen.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada oo laga soo duubay guriga la weeraray ee musharax Fargeeti ayaa muujinaya in burbur xoog leh uu geystay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba.