Daawo: K/Galbeed oo war ka soo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Wasiirka amniga ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey sida uu ku bilowday dagaalkii saakay ka qarxay gudaha magaalada Baydhaba ee gobolka Bay.

Wasiirka ayaa ciidanka K/Galbeed ka leexiyey eedeyntii loo jeediyey ee ahayd inay weerareen guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Soomaaliya, hadana ah musharax madaxweyne oo u taagan hoggaaminta K/Galbeed Maxamed Aadan Fargeeti.

Wasiirka amniga K/Galbeed wuxuu sheegay in ciidanka amniga magaalada Baydhaba oo roondeynaya ay rasaas ku soo fureen ciidan beeleed hubeysan, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Saakay salaadii subax kadib ciidanka oo roondo ku jira ayaa waxaa soo weeraray ciidan maleeshiyaad ah, intaas kadibna laamaha amniga ayaa howshooda ka qabsaday,” ayuu yiri wasiir Maxamed Isaaq.

Wasiirkaan ayaa sidoo kale sheegay in ciidan ka tirsan militeriga Soomaaliya iyo kuwo maleeshiyo beeleed ah ay maalmihii lasoo dhaafay isku uruursanayeen gudaha magaalada.

“Ciidankaas waxay damacsanaayeen inay qalqal ka abuuraan Baydhaba, iyagoo ka amar qaadanaya siyaasiyiin iyo xildhibaano qaarkood Xamar joogaan,” ayuu yiri wasiirka amniga K/Galbeed.

Wasiirka ayaa siyaasiyiinta iyo ciidankooda ugu baaqay in goobahooda ay ku sugnaadaan oo awaamiirta maamulka ay u hoggaansamaan, “Dhalinyarada aad dagaalka gelineysaan ka dhaafa, aniga inaad qalqal gelisaan idinkama ogolaa doonee,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Wasiirka amniga K/Galbeed Maxamed Isaaq Cabdi ayaa aad ugu mahad celiyey ciidanka amniga oo sida uu sheegay waajibkooda gutay maanta, sidoo kale wuxuu shacabka u sheegay in magaaladu ay nabad tahay oo cid dambe aysan ka ogolaa doonin qalqal gelinta amniga.

Hoos ka daawo