Daawo: Laftagareen oo soo saaray hanjabaad cusub kadib dagaalkii Baydhaba

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba oo uu wax laga xumaado uu ku tilmaamay, wuxuuna ku hanjabay inay la xisaabtami doonaan dadkii ka dambeeyey, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne Laftagareen ayaa sheegay in mudo dheer uu ku dadaalaayey in K/Galbeed uusan ka dhicin gacan ka hadal, isagoo sheegay inuu fidinayo gogol nabadeed oo cidii tabasho qabta ay ku soo bandhigi doonto.

“Waa baari doonaa, waana la xasaabtami doonaa cid kasta oo sameysay dhacdadii maanta, Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, waxaan dirayaa baaq nabadeed, cidii tabasho qabtay waxaan u fidinay gogol nabadeed oo cid kasta ay ku soo bandhigi doonto waxa ay qabto, taas oo furmeysa todobaad kadib” ayuu yiri Laftagareen.

Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay dagaalkii maanta, isagoo sheegay in dagaalka Al-Shabaab mid aan aheyn aysan raali ka noqa doonin, “Cid kasta oo reer K/Galbeed ah waxaan ugu yeereynaa nabadda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Laftagareen.

Madaxweynaha oo farriin u diray ciidamada ayaa faray inay sii laba jibaaraan baacsiga Al-Shabaab oo cid kale aysan ku soo jeesan, isagoo siyaasiyiinta ka codsaday in ciidanka aan la isku soo jeedin.

Hoos ka daawo