Daawo: Xasan Sheekh oo ka hadlay xiisada Baydhaba, cadeeyayna mowqifka DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Baydhaba, isagoo waa wax aad looga xumaado ku tilmaamay gacan ka hadalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la joogin waqtigii “dhexdeena aan dagaallami lahayn” balse la joogo xiligii “aan cadowga iska xoreyn lahayn” isagoo yiri “Siyaasadda halaga wada-hadlo, madaxda joogta hala dhowro kuwa hamigga lehna hala dhowro dadkana halloo turo.”

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan aad uga xumahay wixii Baydhaba ka dhacay, walaalaha reer Baydhaba waxaan leenahay colaad waa taqaanaan ee wixii idinka qaldama iska saxa, dhamaantiin waxaa tihiin ehel ee dagaalka iska dhaafa oo isku tura.”

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu waqti badan ku bixiyey in wixii maanta dhacay aysan ka dhicin Baydhaba oo laga hortago, balse uu ka tacsiyeynayo gacan ka hadalkii maanta.

“Saakay ilaa xalay waxaan mashquul ku aheyn sidii looga baaqsan lahaa gacan ka hadal, dowladda federaalka waxay xoogga isugu geyn doontaa in dadka deegaankaas ay is xaliyaan oo khilaafkooda uu si nabad ah ku soo dhamaado,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Xasan Sheekh ayaa carabka ku adkeeyey in dadka Soomaaliyeed ay maanta hal cadow leeyihiin, “Cadowgeenu waa Shabaab, ninkii cadow kale dhexdeena ka abuuraya gacanta ayaan ka qabaneynaa, naga raali ahaaw ayaan dhaheynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Baydhaba 20 KM dhican ugama bixi kartid oo cadow ayaa jooga, macquul maaha in wiilasheena ay ku dhex dagaalaan maanta, war cowgaas waaye kuwa aan rabno in aan iska wareejino, marka walaalayaal aqoonsada jihada uu cadowgiinu idinka jiro.”

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkaan maanta ka jeediyey masjidka madaxtooyada ayaa aad uga hadlay qiimaha dowladnimada Soomaaliya ay leedahay, isagoo aad ugu baraarujiyey dadka inay daacad ka noqdaan dowlad-dhiska dalkeenna.

Hoos ka daawo