R/W Xamza oo la kulmay, una digay guddiga tallaabada muranka dhalisay qaaday ee…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed Barre Maxamuud iyo Guddiga Doorashooyinka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay masuuliyiinta cayaaraha dhawr arrimood oo muhiim ah oo ku saabsan doorashada Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta oo la filayo in dhowaan la qabto iyo sidii fursado loogu abuuri lahaa dhallinyarada ku sugan goobaha laga xoreeyay Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Guddiga looga fadhiyo inuu qabto doorasho daah-furan oo caddaalad ku dhisan, iyadoo la raacayo shuruucda u degsan xiriirka.

“Wuxuuna tilmaamay in aan la aqbali karin is barbar yaac, isaga oo kula dardaarmay guddiga in ay ka feejignaadaan dhinac gaar ah in ay la saftaan,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in rajo weyn laga qabo dhallinyarada 17 jirka ah ee guusha soo hooyay, isla markaana aan loo baahneyn in lagu niyad jabiyo is qabqabsi fursadaha jira lumiya.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Wasaaradda iyo xiriirka laga doonayo abaabulka cayaaro iyo is dhexgal bulshada iyo dhallinyarada ku sugan goobaha Khawaarijta laga xoreeyay, isla markaana jiilalka soo kacaya loo dhiso garoomo ay ku ciyaaraan.

Guddiga doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa dhowaan qaaday tallaabo muran dhalisay oo hal musharax oo kaliya loogu xiray doorashada guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta.

“Guddiga Racfaanka ayaa ku raacay go’aan uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada xiriirka kubbada cagta dalka oo lagu xaqiijiyay in shuruudaha doorashada uu soo buuxiyay hal Musharax oo ah mudane Guddoomiye Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine) oo hadda ah guddoomiyaha xiriirka mar kalana u sharaxan xilkaas,” ayaa lagu yiri qoraal bishii hore kasoo baxay xiriirka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Labada guddi ayaa isku raacay in Xasan Wiish iyo xubnaha uu wato aanay dhamaantood soo wada buuxin shuruudaha, sidaa daraadeedna aanu Xasan Wiish ahayn musharax, iyadoo halka musharax ee shuruudaha dastuurka ku xusan soo buuxiyay uu yahay Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine).” 

Tallaabadaas ayaa waxaa ku gacan sayray Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo uga digtay xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed “inay iska indho tiraan baaqyadii ka soo kala baxay wasaaradda iyo xiriirka kubadda cagta Adduunka ee FIFA.”