PUNTLAND oo gacanta ku soo dhigtay rag dilal ka geystay GAALKACYO

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta gacanta ku soo dhigay eedeysanayaal loo heysto dilka Allaha u naxariistee marxuumiinta kala ah Burhaan Jaamac iyo Farxaan Nasar oo maalmo ka hor lagu dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada ayaa howlgal ay ka sameeyeen xaafadaha Gaalkacyo waxa ay ugu dambeyn ku soo qabteen eedeysanayaasha, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay maamulka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Mudane Faysal Sheekh Cali oo ka hadlay dhacdadaan ayaa marka hore tacsi u diray ehellada marxuumiinta, wuxuuna kadib faray laamaha amniga soo qabashada raggaas oo maanta ugu dambeyn gacanta lagu dhigay.

Faysal Sheekh ayaa u mahadceliyay ciidamada howlgalka sameeyay, wuxuuna tilmaamay in sii wadi doonaan howlgallada lagu xaqiijinayo ammaanka waqooyiga magaaladaasi.

”Marka ay dhacdadaasi dhacday kadib Gudoomiyaha Gobolka Mudug ahna Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Mudane Faysal Sheikh Cali ayaa laamaha Amniga Gobolka Waxa uu faray in baaritaan deg-dega la sameeyo cidii falkaa gaysatayna gacanta lagu soodhigo iyadoo laga duulayo Nabada iyo Wadajirka Bulshada Gobolkan, ugu dambayna waxaa alle mahadii ah in laamaha Amnigu gacanta ku soodhigeen ragii gaystay falkii foosha xumaa,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Mudug ee Puntland.

Wuxuu maamulka intaasi ku daray in ragga gacanta lagu soo dhigay la hor keeni doono cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Ragga ku jira gacanteena waxa la horgeyn doonaa Hay’adaha Garsoorka iyo Cadaaladda” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka soo baxay.

Sidoo kale wuxuu guddoomiyuhu baaq culus u diray bushada deegaanka, isaga oo ka dalbaday inay ka shaqeeyaan nabadda iyo midnimada reer Gaalkacyo.

“Bulshada waxaan kula dardaarmaynaa in si wadajira looga shaqeeyo lana xoojiyo Wadajirka iyo Midnimada Bulshada meel aan uga soo wada jeesano cid kastoo duulaan ku ah Nabada iyo jiritaan keena, Wabilaahi Towfiiq,” ayaa lagu yiri qoraalka maamulka.

Gaalkacyo oo u kala qaybsan koonfur iyo waqooyi, isla-markaana ay ka kala taliyaan Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo salka ku haya aano qabiil iyo isku hor imaadyo dhex-mara maleeshiyaad ku sugan gudaha magaaladaasi.