Xasan oo shir isugu yeeray golaha wasiirada + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeelan doono xubnaha Golaha Wasiirada Soomaaliya, isaga oo shir guddoomin doono kulanka todobaadlaha ee Golahaasi.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadli doono xaaladda guud ee waddanka, gaar ahaan ammaanka iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa lagu wargeliyay kulankan, si ay usoo xaadiraan, warbixino ugu gudbiyaan Madaxweynaha oo todobaadkan kala qay-galaya shirkooda.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shir guddoominaya Shirka Golaha wasiirada oo looga hadlayo xaaladda guud ee dalka,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta dowladda.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Golaha u jeedin doono warbixin ku aadan arrimaha soo kordhay, gaar ahaan guulaha laga gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee Al-Shabaab, arrimaha siyaasadda iyo dhaqaalaha dalka.

Gabagabada ayaa la filayaa in ay warsaxaafadeed soo saaraan Madaxweynaha iyo Golaha Wasiirada, ay u faahfaahiyaan waxyaabaha kasoo baxay kulanka muhiimka ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadaal xoogleh wada ayaa dhowaan jeediyay khudbad gaar ah oo uu kaga hadlay waxqabadkiisa, dagaalka Al-Shabaab iyo shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalmo kahor lagu soo dhameeyay xarunta Villa Soomaaliya ee Muqdisho.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto xaalad adag oo ku aadan dagaalka Al-Shabaab oo weli ka socda gobollada dalka, waxaana usii dheer weerarada qaraxyada ah oo ay u dambeeyeen labadii qarax ee shalay ka dhacay gudaha degmada Maxaas oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Qaraxyadan ayaa sababay dhimashada illaa 35 qof iyo dhaawac kasii badan 40 qof oo u badan dad rayid ah oo aan waxba galabsan.