Dhageyso: Wiil 11-qof oo qoyskiisa ah lagu dilay qaraxyadii maanta oo ka warramay

Maxaas (Caasimada Online) – 10-qof oo hal qoys ah ayaa ka mid noqotay dadkii ku geeriyooday qaraxyadii ay Al-Shabaab ku weerareen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana arrintaas laga wareystay Jaamac Maxamed Cali oo Hooyadiis iyo Aabihiis ay ku jiraan dadka lagu laayey gurigooda.

Jaamac wuxuu sheegay in markii ay qaraxyadu dhaceen uu ku suganaa guri kale oo u dhow guriga ay ku geeriyoodeen 10-ka qof ee waalidka iyo walaalaha u ahaa, wuxuuna dhacdadaan uga waramay Idaacadda VOA.

“Walaalow musiibo ayaa cideydii ku dhacday saakay intii salaadda subax lagu jiray, 10 qof oo ehelkeyga ah oo hooyo iyo aabe ay ku jiraan ayaa halgoob ku geeriyootay, sidoo kale gabar iyo wiil walaalahey ah ayaa ku dhaawacmay qaraxyadii Maxaas ka dhacay,” ayuu yiri Jaamac oo sheegay in isagu xiligaas uu ku sugnaa guri kale oo ku xigay kan dadkaan lagu dhex laayey.

Sababta loo bartilmaameedsaday qoyskiisa ayaa la weydiiyey Jaamac, wuxuuna sheegay in waxa ka dhacay magaalada ay musiibo ahaayeen, isla markaana ragii geystay aysan laheyn bartilmaameed gaar ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gurigaan oo ku yaallay bartamaha magaalada uu u dhawaa saldhigga booliska ee degmada Maxaas, “Hadda hadii aad aragto goobtii, waxaad is leedahay meeshaan waligeed guri lagama dhisin,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Jaamac oo aad u murugeysan.

Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Muumin Maxamed Xalane ayaa ka hadlay arrinta reerkaas ku wada geeriyooday qaraxa, isagoo sheegay in gurigiisa iyo kan reerka lagu laayey ay isku dheganaayeen, balse uu ka badbaaday weerarkaas.

“Qoyskaas Allaha u naxariisto waxaan aheyn deris, gaarigii koowaad ayaa gurigooda ku hor qarxay, kadibna wuxuu baabi’iyey gurigii ay ku noolaayeen qoyskaas iyo wixii guri u dhawaa oo dhan,” ayuu yiri Guddoomiye Muumin Maxamed.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa intaas ku sii daray, “Anigu guriga dadkaas lagu laayey kan ku dhegan ayaan deganaa, ajal ayaa loo dhintaa oo Alle waa nagu badbaadiyey, qoyskaas oo 11 qof ka koobnaa ayuu hal qof ka badbaaday.”

Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa sidoo kale sheegay in 29 qof ay ku geeriyoodeen qaraxyadaas, halka ugu yaraan 50 kalena ay ku dhaawacmeen, 42 qof oo ka mid ah dadkaas waxaa dhaawacyadooda deg deg loogu qaaday Muqdisho, kadib markii ay dowladda Soomaaliya u dirtay diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Hoos ka dhageyso wareysiga Jaamac