Sawirro: Go’aano laga soo saaray shirkii Xamza, Mahad Salaad iyo saraakiisha kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shir looga hadlayey xaaladda amniga dalka.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka aheyd “cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer,” sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay howl-gallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Howl-gallada lagu cirib-tirayo kooxaha argagixisada ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo maleeshiyaad Khawaariij ah afartii bilood ee u dambeysay, sida lagu sheegay warbixintaan.

Ra’iisul Wasaaare Xamza Cabdi Barre ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Khawaariijta oo hadda wakhtigooda uu gabaabsi yahay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xukuumaddu dadaal-gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalkeenna laga qaado cuna-qabateynta hubka.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka argagixisada iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxaa lagu soo jeediyay shirkaan dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee dowladda ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.