KHASAARAHA qaraxyadii maanta oo aad u kordhay iyo xog cusub oo la shaaciyey

Maxaas (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii saakay ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxay isugu jiraan shacab u badan haween iyo carruur, sidoo kale askar iyo saraakiil ciidan ayaa lagu dilay qaraxyadaas.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa caawa warbaahinta u sheegay in 29 qof ay ku geeriyoodeen qaraxyadaas, halka ugu yaraan 50 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay guddoomiye Muumin.

42 qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxyadaas ayuu sheegay guddoomiyuhu in deg deg loogu qaaday magaalada Muqdisho, si daryeel caafimaad loogu fidiyo.

Guddoomiyaha degmada Maxaas ayaa sheegay in diyaaradaha soo qaaday dadkaas ay dirtay dowladda Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Maxaas aysan laheyn garoon diyaaradeed, taas oo ka dhigay in dadkaan lagu soo qaaday diyaaradaha qumaatiga u kaca.

Kooxda Al-Shabaab ayaa waaberigii hore ee saakay weerar loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa waxay ku weerareen magaalada, iyadoo dadku ay weli hurdayaan.

Ugu yaraan laba gaari oo kuwa xamuulka qaada ah ayaa loo adeegsaday qaraxyadaan, waxaana goobaha la beegsaday ka mid ah, gurigii uu Xildhibaan Jacfar ka deganaa magaalada, inkastoo uu ka maqnaa iyo guriga guddoomiyaha Maxaas Muumin Maxamed.

Gaadiidka qarxay ayaa magaalada Maxaas kasoo galay dhanka deegaanka Wabxo ee gobolka Galgaduud, waxaana xusid mudan in Wabxo oo weerarkaan laga soo abaabulay ama lasoo marsiiyey ay ciidanka dowladdu mar ka xoreeyeen kooxda, balse ay dib uga soo laabteen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bil ka hor safar ku tegay degmada Maxaas ayaa halkaas ka sheegay in Maxaas ay astaan u noqa doonto halganka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.