Deni oo qaaday tallaabo ka dhan ah mucaaradka Puntland

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Saciid Cabdullaahi Deni ee Puntland ayaa soo saaray amarro culus oo ka dhan ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Warqad uu soo saaray guddiga nabad-galyada gobolka Bari ayaa lagu mamnuucay qabashada shirarka siyaasadeed ee ka dhaca hoteelada magaalada, xili si weyn loogu kacsan yahay madaxweynaha maamulkaasi.

“Mudaneyaal maadama lagu jiro xilli xasaasi ah loona baahan yahay in si wada-jir ah looga shaqeeyo Adkaynta Nabad-gelyada, Midnimada & xasiloonida guud, waxaa muddo kooban la joojiyey in Huteellada magaalada Boosaaso lagu qabto shirar & xaflado aan fasax qoraal ah looga haysan guddiga Nabad-gelyada gobolka Bari,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa qoraalka lagu sheegay in cidii shir siyaasadeed qabsaneysa ay warqad codsi ah ka haysato guddiga nabad-galyada gobolka Bari oo uu gudoomiye u yahay Cabdirisaaq Cali Siciid.

Guddiga Nabad-gelyada ayaa waxa kale oo uu sheegay in Huteellada lagu qabsanayo xafladaha siyaasadeed ay maamulka gobolka ka qaatan warqad fasax ah 24 saac ka hor qabashada munaasabadda.

Ugu dambeyntiina, saraakiisha booliska gobolka ayaa iyagana lagu amray inay fuliyaan awaamirtan, si dhowna ula socdaan arrintaan.

Awaamiirtan cusub ee ka dhanka ah dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee maamulka Puntland ayaa imaneysa xili maalmihii dambe ay xiisad siyaasadeed ka taagneyd maamulkaasi, taasi oo salka ku haysa hanaanka Deni u maamulayo doorashada.

Shalay ayay aheyd markii Madal Siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoon-yahano iyo waxgarad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi.

Ku dhawaaqista Madasha Siyaasadda Puntland ayaa lagu sheegay inay timid kadib markii la arkay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee Puntland ku sugan tahay, taasi oo lagama ka dhigaysa in dawr muhiim ah laga qaato xal u helidooda.

Waxay ka digeen in xukuumadda Deni ay horseedo qalalaase iyo firaaq dastuuri ah oo Puntland ka dhaca, lagana fogaado waxkasta oo horseedi kara hubanti la’aan siyaasadeed iyo in la majara-habaabiyo shacabka Puntland & in laga shaqeeyo waxkasta oo horseedi kara khalkhal amni iyo dhaawac soo gaara midnimada iyo wada-jirka shacabka Puntland.