Maareeyihii hay’adda tayo-dhawrka Soomaaliya oo shaqo joojin lagu sameeyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xil. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-Dhawrka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa shaqo joojinta Maareeye Cali Yaasiin Gurbe ku sababeeyay wada-shaqayn la’aan ka timid iyo curyaamin habsami u socodka waajibaadka ku xusan qoddobka 7-aad faqradiisa 5-aad sharciga jaangoynta iyo Tayo-dhawrka.

“Wasiirka markuu arkay Maareeyaha guud khilaafka iyo wada-shaqeyn la’aanta kala dhaxeysa guddiga sare ee hay’adda (Boardka) iyo Maareeye ku-xigeenka kuna saleysan wada-tashi la’aan iyo ku tagri-fal awoodeed ayuu xeeriyay go’aankan.”

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS ayaa sidoo kale Gurbe ka joojiyey ku howl-galida xilka Maareeyaha, ayada oo Maareeye ku-xigeenka hay’adda uu faray inay si ku-meel gaar ah ugu shaqeyso xilka Maareeyaha guud ee hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed.

“Waxaa dhamaan hay’addaha wada-shaqeyntu kala dhaxeyso hay’adda Tayo-dhawrka Soomaaliyeed laga codsanayaa inay la shaqeeyaan gacana ku siiyaan gudashada waajibaadka shaqo ee sii-hayaha xilka Maareeyaha, Marwo Xaawo Axmed Xasan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in saxiix aanu wasiirku gudbin lagu soo saarey lacag badan si musuq-masuuq ahna loo isticmaalay.

Gurbe ayaa la sheegay in uu baal-maray tallooyinka iyo soo-jeedinada Wasaaradda, iskana indha-tiray kala shaqeynta shaqada, taasi oo gundhig u ah dhamaan howlaha hay’adda, sida lagu sheegay qoraalka.