Sawirro: Beenabeene oo dhambaal uu ka siday Xasan gaarsiiyey Amiir Sheikh Nawaf

Kuwait City (Caasimada Online) –  Wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Maxamuud Beenabeene ayaa sheegay in dhambaal uu ka siday madaxweynaha Soomaaliya uu gaarsiiyey Amiirka dalka Kuwait Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Wasiir Beenabeene ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in dhambaalkaan uu Amiirka ugu dhiibay wasiirka arrimaha dibadda dalkaas.

Sidoo kale labada wasiir ayaa ka wadahadlay iskaashiga labada dal, sida uu qoraalkiisa ku shaaciyey wasiirka qorsheynta iyo maalashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.

“Waxa aan maanta kulan miro dhal ah kula qaatay magaalada Kuweyt Wasiirka Arimaha Dibadda dalkaas, Mudane Sheikh Salem Abdullah Al-Jaber Al-Sabah, oo aan ka wada hadalnay iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labadeena dal ee dhinacyada kala duwan iyo arimihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo caalamka,” ayuu yiri.

Qoraalka wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Waxa aan sidoo kale u gudbiyay danbbaal qoraal ah oo aan ka siday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku socday Amiirka Dawladda Kuwait, Sheikh Nawaf Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.”

Kuwait oo ka mid ah dowladaha Carabta ayaa sidoo kale ka mid ah dowladaha taageera Soomaaliya, maadaama ay ka wada tirsan yihiin dowladaha ku midoobay Jaamacadda Carabta iyo ururro kale.