Shariif iyo CC Shakuur oo war kasoo saaray musiibadii maanta ka dhacday degmada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed iyo Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha JFS, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay qaraxyadii saaka ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Waxay ka tacsiyadeeyeen dadkii ku dhintay qaraxyadaasi, halka ay caafimaad deg deg ah Alle uga baryeen dadkii ay dhaawacyada kasoo gaareen.

“Bismillahi, waxaan tacsi u dirayaa ehelka dadkii ku naf waayay weerarka argagaxisadu ku qaaday dagmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,” ayuu Shariif ku yiri qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa kale oo qoraalkiisa uu ku yiri “Ilaahay SWT ha u naxariisto, dadka dhaawacyada soo gaareen waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah, dadka hantidooda ku waayay beddel kheyr qaba Allah ha siiyo.”

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa asaguna qoraal uu ka soo saaray qaraxyadii saaka ka dhacay Maxaas, wuxuu u dhigna sidan:

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelkii ay ka baxeen iyo Ciidankii ay ka tirsanaayeen, gaar ahaan kuwii ay goobta wada joogeen, askartii, saraakiishii, iyo dadkii rayadka ahaa ee lagu dilay weerarkii naf- haliga ahaa ee ay kooxda gabalkoodu sii dhacayo ee argagexisada Al-shabaab ku qaadeen Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Waxaan Alle uga baryayaa in uu danbigooda dhaafo, naxariistiisa iyo janadiisa ku abaalmariyo, inta dhaawaca ahna caafimaaad degdeg ah siiyo. Aamiin.”

Aroornimadii hore ee saaka ayaa qaraxyo xooggan oo sababay dhimashada ugu yaraan 15 qof iyo dhaawac tiro kale ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwa ismiidaamin ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan maamulka HirShabelle.

Mid kamid ah labada qarax ayaa ka dhacay Guri uu Maxaas muddooyinkii dambe ka deganaa Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka, balse uu ka maqnaa waqtigii uu weerarkaas dhacayay.

Sidoo kale qaraxaa labaad ayaa isna waxaa lagu soo warramayaa in lagu dhuftay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.