Muxuu kacdoonka Muqdisho ka billowday uga dhigan yahay dagaalka Shabaab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka waxaa ka billowday kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo dadweynaha ku taageerayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, si looga adkaado kooxda.

Kacdoonkan oo qorshihiisa horkacayay maamulka gobolka Banaadir ayaa Khamiistii ka qabsoomay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho, waxaana hal-ku-dhig looga dhigay “Daahfurka Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta”.

Haddaba, Kacdoonkan ka billowday Muqdisho muxuu uga dhigan yahay dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kacdoonka ka billowday Muqdisho uu ka dhigan yahay in dagaalka uu marayo meel gaba-gabo ah oo Al-Shabaab la jebiyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Banaanbaxa waa mid ay dadka reer Muqdisho ku muujinayaan dareenkooda iyo sida ay uga soo horjeedaan Khawaarijta oo ay doonayaan inay noloshooda uga dhex saaran noloshooda, Khawaarijta oo muddo badan dhibaato ku haysay,” ayuu yiri Wasiir Al-Cadaala.

Waxa uu sheegay in banaanbaxa Khamiistii uu kuwii hore uga duwan yahay in shacabka ay ku muujinayeen garab istaaga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sida ay u doonayaan in Shabaabka uga ciribtiraan gudaha caasimada, gaar ahaan kuwa ku dhuumanaya guryahooda iyo xaafadahooda, sida uu sheegay.

“Marxalada iyo waqtiga ayaa isbedelay, waxay doonayaan (shacabka Muqdisho) inay doorkooda ka qaataan, waxaana hadda kusoo beegay waa waqtigii ugu munaasibsana ee u arkayeen inay cabsida iska kor qaadan oo ka baxaan. Khawaarijta caqabad ayay ku tahay noloshooda iyo ganacsigooda marka dabarkaas ayay doonayaan inay iska gooyaan dadka reer Muqdisho.”

“Muqdisho waa magaalada hooyada umadda Soomaaliyeed oo waa caasimadii dalka, in dareenka dadkeeda la arko oo muujiyaan waa meesha wax kasta oo la rabo in la suuliyo ay gaba-gabadeeda ka dhacdo. Reer Muqdisho oo kacay waxay direysa farriin ah in kacdoonka uu meel gaba-gabo ah marayo oo la jabiyay Khawaarijta.”

Ugu dambeyntiina waxa uu yiri Al-Cadaala “Muqdisho oo diida Khawaarijta waa iyaga oo dhamaada oo warkooda uu soo gaba-gabooba. Wax walba oo ay magaalada Muqdisho ku dhex haysteen ama dhaqaale iyo isku qarin ahaa ee ku dhuumaaleysanayeen, albaabkoodii ayaa lasoo xiraya.”