Kadib kacdoonkii Muqdisho, Al-Shabaab oo qaaday tallaabo cabsi galin ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa qaaday tallaabo cabsi galin ah oo ka dhan ah qaar kamid ah shacabkii qeybta ka ahaa Kacdoonkii Muqdisho ee shalay ka qabsoomay garoonka kubadda cagta Injineer Yariisow ee magaalada Muqdisho.

Xubno ka tirsan kooxda ayaa qaraxyo ku weeraray banaan-baxayaashii Khaamiistii ka qeyb-galay Kacdoonka ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee loogu magac daray “Daahfurka Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta”.

Wararka aan helayno ayaa sheegay in qaraxyadaas si gaar ah loogu beegsaday banaan-baxayaashii ka socday degmada Dharkiinleey, waxaana la sheegaya in khasaaraha ka dhashay uu ku kooban yahay dhaawacyo.

Qaraxyada ayaa loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta laga tuuro oo Saddex ahaa, kuwaasi oo laba kamid ah lala eegtay gawaari caasiyo ah oo ay saarnaayeen banaan-baxayaasha.

Shacabka ayaa qaraxyadaan lala eegtay xilli ay marayeen Buul-Xubeey iyo Dabakaayo Madow, sidoo kale Bab-gacmeedka saddexaad ayaa lagu weeraray xarunta degmada Dharkiinleey.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in dhaawacyada dadka shacabka ah la geeyay xarumaha caafimaadka, kuwaasi oo lagu dabiibayo xaaladooda caafimaad.

Weerarkaan oo u muuqda kuwa ay Shabaab ku cabsi galineyso shacabkii ka qeyb-galay banaanbaxa loogu magac daray “Kacdoonka Muqdisho iyo Dabar-goynta Khawaarijta,” ayaa dhacay xilli dibad-baxayaasha xaafadahooda ay dib ugu laabanayeen.

Shacabka Muqdisho ayaa shalay muujiyay sida ay uga soo horjeedaan kooxda Al-Shabaab oo dhibaatooyin badan ka geysata caasimada dalka, waxaana kacdoonkan loo arka mid muujinaya “in dagaalka uu marayo meel gaba-gabo ah oo Al-Shabaab la jebiyay.”