Mareykanka oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo la xiriira Soomaali ku sugan dalkiisa

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Maraykanka Alejandro N. Mayorkas ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku lahayn Maraykanka ay sii joogi karaan 18 bilood oo kale.

Kordhinta joogitaankooda ayaa ka billaabaneysa bisha Maarso 18-keeda 2023, waxayna ku egtay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socoda ee 2024, sida uu sheegay.

Xoghayaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inay tahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

“Mareykanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu gabbaad ilaalin ah siiyo Soomaalida. Colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda, oo ay wehliyaan musiibooyinka dabiiciga ah, cudurrada, saameynta argagixisada, dambiyada, rabshadaha iyo dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada awgood ma awoodi karaan inay ku laabtaan dalkooda,” ayuu yiri xoghaye Mayorkas.

Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey ayaa lagu magacaabaa “in ay haystaan xaalad joogitaan oo kumeel-gaar ah ama Temporary Protected Status (TPS).”

Tallaabadan ayaa u ogolaanaysa ku dhawaad 430 oo qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Maraykanka tan iyo Sebtembar 17, 2024, haddii ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan.

Dowladda Mareykanka ayaa lagu wadaa in dhawaan shaacin doonta shuruudaha sharcigaan, ayada oo sharraxaad dheeraad ah ka bixin doonto.