Maamulka G/Banaadir oo shaaciyay in Muqdisho uu ka bilaabanayo baaritaan guri-guri ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in magaalada Muqdisho ka bilaabayaan howl-gal lagu baarayo guryaha caasimada, kaasi oo lagu raadinayo xubnaha caasimadda ku dhuumanaya ee ka tirsan Al-Shabaab.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay arrintaan, isaga oo sheegay in iyadoo la fulinayo baaqii madaxweynaha la bilaabi doono baaritaan lagu galayo guryaha dadweynaha magaalada oo dhan.

“Shacabka gobolka Banaadir waa in ay u diyaar garoobaan in guri walba la gali doono, Dhilqaha ku dhex jira ama Khawaarijta ku dhex dhuumaneysa ee isku dayeysa inay dadkaas ku dhex noolaadaan, ayaa rabna inaysan mardambe nagu dhex noolaan,” ayuu yiri.

“Ha u qaadina inay wax cusub tahay, waxaa rabna in isbedel la taaban karo la imaano dhanka amniga, anaga oo hay’adaheena amniga kaashaneyna. Guri-guri ayaa loo baari doona magaalada, dadkana qofkasta waxa uu yahay, meesha uu ka imid iyo guriga uu ku nool yahay ayaa la ogaan doona.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu bilaaban doono howl-gal amni oo dhankasta ah, taasi oo ugu horeeyo baaritaanada lagu sameynayo guri kasta oo ku yaalla Muqdisho, isagoo shacabka ugu baaqay inaysan culeys u arkin oo la socdaan arrintaas.

“Ma dhici doonto in madaxweynaha Jamhuuriyada uu dagaalka ku dhawaaqo in magaalada Muqdisho aysan wax iska badalin. Gobolka Banaadir waxa uu lamid yahay gobolada uu ka socdo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab. Ha la dulqaato oo haloo diyaar-garow, Khawaarijtaas ayaa la baaraya qofna looma dan-laha, haddii kale habeenkasta iyo maalinkasta bambada tuuganimada ah ayay kula dhex jirayaan oo dadka ku gaadayaan.”

Arrintaan ayaa waxay imaneysa xili uu shalay banaanbax weyn ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay shacabka caasimadda ku muujinayeen ka qeyb ahaanshahooda dagaalka argagixisada, oo ka socda qeybo badan oo dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka qeyb-galay Kacdoonkii Muqdisho ayaa dul istaagay duruufaha amni ee u gaarka ah caasimadda iyo dadaalka dowladdu ay ku bixinayso sidii ay nabad iyo xasillooni ugu noolaan lahaayeen bulshada caasimadda ayaa ku boorriyey baraaruga ay muujiyeen ee ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab iyo garab istaaga halganka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo dadka caasimadda in ay la shaqeeyaan laamaha amniga, soona gudbiyaan xogta argagixisada ku dhex dhuumaaleysanaysa guryahooda iyo ganacsiyadooda, si looga hortago gumaadka iyo falalka arxan darrada ah ee khawaarijtu ay soo maleegayaan.