Ciidamada PSF ee Puntland oo ku biiray dhaq-dhaqaaq xoog leh oo ka socda Galmudug

Dhuusamareeb (Caasimda Online) – Ciidamada PSF ee Puntland ayaa si rasmi ah ugu biiray gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Koonfurta gobolka Mudug, xili ay howl-galo culus ka bilaabanayaan deegaanada maamulka Galmudug.

Cutubyo ka tirsan ciidanka PSF oo ku gaashaaman gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramaya inay gaareen degmada Hobyo ee gobolkaasi.

Ciidamada PSF ee Putland ayaa xoojinaya ciidamada xooga dalka iyo Daraawiishta Galmudug ee loo diyaariyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo qorshihiisa la diyaariyay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidamadan wada-jirka ah ay ku jihaysan yihiin deegaanada koonfurta gobolka Mudug oo ay weli ku harsan yihiin Al-Shabaab, si halkaasi looga saaro cadawga.

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa hore u sheegtay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay muddooyinkii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay.

Waxay sheegtay in howl-galada ka bilaabanaya Galmudug aysan noqon doonin sida midkii HirShabelle ee dhinacyo badan ay ka gali doonaan, islamarkaana uu ku soo afjarmi doono muddo kooban.

Hadalka Galmudug ayaa imaanaya xilli ay dhawaan dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay kala wareegtay degmadii ugu dambeysay ee ka tirsan maamulka HirShabelle.

Tan iyo markii ay billowdeen howl-galada dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab waxa laga gaaray guulo waaweyn, ayada oo kooxda lagala wareegay deegaano horleh oo sanado badan gacantooda ku jiray.