Ciidamada DF iyo shacabka oo la wareegay deegaano cusub oo ku yaalla laba gobol

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramaya in howl-galo ay sameeyeen saacadihii ugu dambeeyay kula wareegeen degaano horleh oo ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa waxay kala yihiin degaanada Seego, Xinlabi, Baraag Ciise, Holdooyaale ee gobolka Mudug iyo Qalaanqal, Galxaagare oo Galgaduud ah.

Taliye ku-xigeenka ciidamada xoreynta deegaanka Macalin Cabdikariim oo howl-galka hogaaminayay ayaa sheegay in ay si nabad-gelyo ah Al-Shabaab ugala wareegeen degaanadaasi, ayna hadda ku sugan yihiin ciidamada huwanta.

Sidoo kale waxa uu sheegay in deegaanada ay ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo lagu xaqiijinayo amniga, isaga oo xusay inay sii wadi doonaan howl-galada illaa inta laga ciribtirayo Al-Shabaab.

Deegaanadaan ayaa horey waxaa ugu sugnaa kooxda Al-Shabaab oo gacanta ku haysay, waxaana si nabad ah kula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kadib markii ay iskaga baxeen dagaal-yahanada Shabaab.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa sidan oo kale shalay Al-Shabaab kala wareegay deegaanka Ceel-bacad oo hoostagta gobolka Shabeellada Dhexe ee dowlad-gobaleedka HirShabelle.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si xowli ah uga socda qeybo kamid ah gobolada dalka, ayada oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana laga qabsaday deegaano horleh oo gacanta kooxda ku jiray sanado badan.

Deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab ee gobolada dalka ayaa waxa dhawaan la geeyay ciidamo Boolis ah oo suga amniga, sida ay sheegtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.