Taliyihii booliska Puntland oo shaaciyay xog cusub oo la xiriirta qorshaha Saciid Deni

Garoowe (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo wareysi siiyay warbaahinta guadha ayaa shaaciyay qorshe uu Saciid Deni ku qasbayo saraakiisha ciidanka.

Cali Yare ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu isku dayay in uu ku cadaadiyo saraakiisha amaanka meel-marinta doonistiisa gaarka ah, xili ay socdaan doorashooyinka maamulkaasi.

“Dad ka badan 600 qof oo ciidanka Madaxtooyada galbinayaan ayaa la keenay xili ay guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinku noo sheegeen in codbixintu ay xirantay oo dadka safka ku jira markaas ma ahane aan cid kale gadaal looga soo dari karin,” ayuu yiir.

Waxa uu sheegay in Saciid Deni oo ururkiisa KAAH looga guuleystay doorashadii saddexda degmo uu xiligaas bixiyay amaro uu ku doonayay in saraakiisha amniga iyo guddiga doorashooyinka ay badalaan natiijada saxda ah ee doorashooyinkaas.

“Laba seejo oo ku yaalla magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa u dhacay ciidamo hubeysan oo ka tirsan Madaxtooyada intii ay socotay doorashadii saddexda degmo.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa u sheegnay ciidamada Madaxtooyada in ay meesha isaga baxaan, madaxweynaha (DENI) ayaa isoo waay isaga oo leh hala sii daayo ciidankaas, laakiin waxaa u sheegay in ciidanka madaxtooyadu yihiin ilaaladiisa gaarka ah ee aysan aheyn booliska ka masuulka ah amniga seejooyinka.”

Arrimahan uu shaaciyay Taliyihii hore ee Booliska Puntland ayaa sare usii qaadaya walaaca ay siyaasiyiinta mucaaridka ka qabaan doorashooyinka ka socda maamulkaasi ee lagu sheegay inay yihiin “qof iyo cod”.

Mucaaridka Puntland ayaa dhowr jeer madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay in uu leexiyay hanaankii doorashada, taasi oo ka dhigeysa doorashooyinka qof iyo cod oo la ogyahay inay yihiin kuwa ugu xalaalsan noqdaan kuwa ay hareeyeen musuq-maasuq iyo boob ku qotoma awood sheegasho xukun.