Mareykanka oo $10 milyan dul dhigay madaxa Maxamud Cabdi Aadan oo loo haysto…

Nairobi (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa ku dhawaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa 10-milyan oo dollar ciddii keenta xog ku saabsan Maxamuud Cabdi Aadan iyo dadkii kale ee mas’uulka ka ahaa weerarkii hotel DusitD2 ee 2019-kii.

Weerarkaas ayaa sida la ogyahay waxa ku dhintay ugu yaraan 22 qof oo uu ku jiray muwaadin Mareykan ah.

Agaasimaha Waaxda Dembi-baarista ee DCI ee Kenya Amiin Maxamed Ibraahim iyo Safiirka Maraykanka ee dalka Kenya Meg Whitman oo shir jaraa’id oo wadajir ah ku qabtay xarunta Dembi-baarista Kenya ayaa ku dhiira-geliyay dadweynaha inay lasoo xiriiran hay’adaha ammaanka “haddii ay hayaan ama ay helaan xogta iyo muuqaalka” eedeysane Maxamuud Cabdi Aden.

“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa abaal-marin lacageed oo dhan 10 milyan oo dollar ciddii keenta xog lagu soo xiro Maxamuud Cabdi Aadan iyo kooxdii ka caawisay ama gacanta ka geysatay weerarkii hotel DusitD2,” ayey tiri safiirka Mareykanka ee Kenya Meg Whitman.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 15-kii Janaayo, 2019 ee dhismaha hoteelka DusitD2, kaasi oo socday ku dhawaad 20 saacadood, oo ay ku dhinteen ugu yaraaan 22 qof, oo uu ku jiro muwaadin Mareykan ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sidan oo kale 5-tii bishaan ku dhawaaqday in 10 milyan oo dollar ugu yaboohday inay siin doonto cid kasta oo keenta xog hoggaamin karta in lasoo xiro ama dambi lagu helo Macallin Ayman, oo ah hoggaamiye sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ballan-qaadkan oo lagu soo saaray Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, ayaa sidoo kale abaal-marin doona cid kasta oo keenta xog ku saabsan shaqsi kasta, oo ku lug lahaa, isku dayey, wax ka shiqroolay, gacan ka gaystan ama isku dayey inuu maleego fulinta weerarkii argagixiso ee Janaayo 5, 2020 lagu qadaay shaqaalaha Mareykanka iyo Kenya ee saldhigga Manda Bay Airfield ee dalka Kenya.

Macallin Ayman waa hoggaamiyaha Jaysh Ayman, oo ah unug ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo weeraro argagixiso iyo hawlgallo ka fuliya Kenya iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixintan. Waxa uu mas’uul ka ahaa diyaarinta weerarkii Janaayo 2020, sida uu Mareykanka sheegay.

Bishii November 2020, Waaxda Arrimaha Dibeda Mareykanka ayaa Macallin Ayman ku dartay liiska argagixisada caalamiga ah ee SDGT, ayada oo loo marayo Amarka Fulinta (E.O) 13224.

Weerarkan oo dhacay aroor hore, ayaa Al-Shabaab waxay ku dileen askari Mareykanka iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayey Waaxda Difaacca Mareykanka, ayaga oo sidoo kalena dhaawacay laba askari oo Mareykan ah iyo laba qandaraasleyaal kale.

Muuqaal xigay weerararka, ayaa afhayeen u hadlay kooxda Al-Shabaab uu ku sheegtay mas’uuliyadda.

Saldhigga Manda Bay Airfield waa qeyb ka mid ah saldhigyada ciidamada difaaca Kenya, oo ay isticmaalaan ciidamada Mareykanka si ay tababaro iyo taageero ka-hortag argagixiso u siiyaan saaxiibadooda Bariga Afrika, ugana jawaabaan xasaradaha, una ilaaliyaan danaha Mareykanka ee gobolka.