Madaxii howl-gallada ee Daacishta Somalia oo la dilay

Garoowe (Caasimada Online) – Maamul goboleedka Puntland ayaa shaacisay in ay dishay madaxii hawl-gallada Daacish ee gobolka Bari, kaasi oo lagu magacaabi jiray Abu-Albara Al Amani.

War-saxaafadeed kasoo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in Abu-Albara lagu dilay weerar ay habeen hore kooxda Daacish ku soo qaaday saldhiga degmada Bali-dhidiin ee gobolka Bari.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Booliska in Abu-Albara Al Amani uu ka soo jeeday gobolka Amxaarada ee dalka Itoobiya, islamarkaana Itoobiyaan badan ku khasbay in ay ku biiraan kooxda Daacish faraceeda Soomaaliya.

Bishii July 2021-kii ayaa Abu-Albara loo magacaabay madaxa hawl-galada Daacishta Soomaaliya, kadib markii la dilay madaxii hore ee hawl-galada kooxdaas oo lagu magacaabi jiray Abuu Waliid Al-muhaajir.

Al-muhaajir ayaa u dhintay dhaawac kasoo gaaray hawl-gal ay ciidamada amniga Puntland ka fuliyeen agagaarka buuraleyda Calmiskaad, sida lagu sheegay qoraalka.

“Hawl-galka Ciidanka amniga Puntland ayaa ah mid guul weyn u ah guud ahaan Ummadda reer Puntland iyo kan Soomaaliya,” ayaa lagu yiri ugu dambeyntiina qoraalka kasoo baxay Booliska Puntland.

Weerarka lagu dilay madaxii howl-galada ee ay Daacish ku qaaday saldhiga degmada Bali-dhidiin ayaa la sheegaya in uu ku dhintay hal askari oo ka tirsan Booliska Puntland, ayada oo lasoo warinayo tiro kale oo dhaawac ah.