‘Awoodda ciidan ee Shabaab sida la moodo ma ahan’ – Jeyte oo shaaciyay xog cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay in markii hore uu fikir awood sareysa ka haystay Shabaab ka hor inta uusan la galin dagaalka tooska ah.

Waxa uu sheegay in dagaal-yahanada Shabaab aysan laheyn tababar ciidan iyo xirfad dagaal oo ay ugu babac dhigi karaan dagaal toos ah, hase yeeshe ay xirfadooda u weyn tahay qarax iyo gaadmo.

“Nimanka Shabaab la yiraahdo aniga laftigeyga waa ku qaldana fikirka ka qabay, waxa u haysta niman balo ah oo xeeladaha yaqaan oo bartay qorshe ciidan. Meelahaas ayaa lagu soo tababara iyo waxba la sheegi jiray laakiin ma ah kuwa uu aas-aaskooda dhisan yahay,” ayuu yiri.

“Shabaabka dhan waa fikir iyo qarax, waa falsafad ay dadka ku cadaadinayan, yacni argagax qoorta ayey ka goynayaan oo qofkasta wuxuu ka baqaya si uusan Alle uga baqin. Waxa ku cadeynaya ganacsatada Soomaaliyeed ee lacagaha bixinaysa, sabab? hantidaada ayaa dadkaaga lagu baabinaya.”

Guddoomiye Jeyte ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Shabaab aysan laheyn awood dagaal toos ah ay kula gali karto ciidamada deegaanka, iskaba daa ciidamada millateriga oo ayagu leh tababar sare, sida uu sheegay.

“Ma dhaceyso Shan daqiiqo in jilib dhigaan oo ciidamada Macaawisleyda iskaba daa millateriga, in ay meel god ah galaan oo kasoo xabadeeyaan mooyee, inta banaan yimaadan ma dhici karto inay dagaalamaan.”

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa magac weyn ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, oo uu ka bilaabay gobolka Hiiraan, kaasi oo sababay in kooxda laga saaro qeybo badan oo kamid gobolkaasi.