Sawirro: Xasan oo la kulmay wasiiro maamullada ah oo ay ka maqan tahay Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Wasiirrada Maaliyadda ee dowladda federaalka iyo Wasiirada Maaliyadda ee dowlad-goboleedyada, oo ay ka maqan tahay Puntland.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyntii bogaadiyey natiijooyinka ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay magaalada Muqdisho uga socday Wasaarada Maaliyadda iyo Wasaaradaha dowlad-goboleedyada.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay sare u qaadidda nidaamyada maaliyeed ee dalka si wax looga bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed, horumarna loo gaarsiiyo dalka.

Wasiirada ayaa dhankooda soo dhaweeyay howl-galada xoreynta deegannada dalka iyo horumarinta dadaalka loogu jiro horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Waxaa kulanka kasoo qeyb-galay, Wasiirka Maaliyadda dowladda federaalka Mudane Cilmi Maxamuud Nuur, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Marwo Raaxo Maxamed Janaqoow, Farxaan Cali Maxamuud.

Sidoo kale waxa qeyb ka ahaa; Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug, Xuseen Xirsi Axmed, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Jubbaland, Axmed Maxamed Xuseen, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Koonfur Galbeed, Cali Cabdulle Nuur, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda HirShabelle, Ciise Maxamud Guure, Guddomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir.

Puntland oo ayadu dhawaan ku dhawaaqday inay u dhaqmeyso sidii dowlad madax-banaan, ayaa shirka Wasiirada Maaliyada dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada kasoo qeyb-galin, kaasi oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.