Puntland oo qiil ka dhigatay Somaliland xilli ay sii xoojisay khilaafka DF Soomaaliya

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab Axmed oo wareysi gaar ah siiyay telefishanka Universal ayaa sheegay in aan Dastuurka la dhameystiri karin illaa inta laga keenayo Somaliland.

Wasiirka Caddaaladda Puntland ayaa ku dooday in Dastuurka uu ku dhameystirmi karo oo kaliya heshiis loo dhan yahay, ayada oo kadibna la galinayo afti dadweyne si u dhaqan-galo.

“Dastuur Soomaaliyeed oo Puntland ka maqan tahay Dastuur ma noqonayo mana dhameystirmayo. Inta cid maqan tahay waa la sugaya, inta xataa Somaliland maqan tahay Dastuurka lama dhameystiri karo,” ayuu yiri.

“Dastuurka waa heshiis bulsho, oo dadka ka dhaxeeya, wixii lagu qorayana waa in lagu gaaro heshiis la isla ogyahay oo lagu wada qanacsan yahay kadibna afti loo qaado, maalinta aftidaas loo qaado ee dadka soo yeelaan ama soo diidan ayey doodiisa dib u bilaaban karta.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland ay si madax-banaan usii wadaneyso howlaheeda gudaha, inta laga dhameystirayo Dastuurka KMG iyo hanaanka geedi socoda federaaleynta.

“Inta la dhameystirayo Dastuurka dowladda federaalka ee la is-waafajiyo ka maamulada, inta shaqada la qabanayo in Puntland shaqooyinkeeda caadiga ah u Dastuurka siinayo u madax-banaaneyso.”

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in go’aankii dhawaan kasoo baxay Madaxtooyada Puntland uu ahaa mid Dastuuri ah oo salka ku haya hanaanka federaalka ah ee lagu heshiiyay.

“Hanaanka federaalka ah wuxuu soo maray maraaxil oo waxa Soomaalida ku heshiisay dalka uu qaato hanaan federaali ah oo dowlad dhiska Soomaaliyeed uu noqdo mid ku yimid wada-xaajood, is-qancin iyo heshiis siyaasadeed.”

Waxa uu intaas kusii daray “Qoddobada aas-aasiga ah ee Dastuurka u xaniban yahay in qoddobada masiiriga ah laga gaaro heshiis siyaasadeed, waa meesha ay tahay in dadka Soomaaliyeed ay aad ula socdaan waa taas.”