NISA oo tallaabo culus qaaday ‘kadib awood la siiyay’ – XOG

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qarana ee loo yaqaano (NISA) ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan amniga magaalada Muqdisho, kadib markii ay dowladda federaalka siisay awood gaar ah, oo ay sido kale kula fal-galeyso ciidamada Booliiska.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada NISA ay isku ballaariyeen guud ahaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, ayada oo bar-kasta oo ay ku sugnaayeen ciidamada Boolioska la geeyey askar ka tirsan kuwa Nabad Sugidda, si ay ula shaqeeyaan Booliska.

Sida ay ogaatay Caasimada Online askarta NISA ayaa waxaa la dhigay laga soo bilaabo isgoysyada ku yaalla Mirinaayada illaa iyo Dan-wadaagaha ee degmada Wadajir.

Ciidamada Nabad Sugidda ayaa lagu soo warramayaa in dhaq-dhaqaaqyo cusub ay ka bilaabeen isgoysyadaasi oo saaka lagu arkay ciidamo cusub oo dheeraad ah.

Ujeedka ka dambeeya arrintaan ayaa ah in la adkeeyo amniga magaalada Muqisho, si looga hortago weerarada kooxda Al-Shabaab oo haatan culeys weyn soo saaray caasimada.

Tallaabadan ayaa u muuqata mid awood gaar ah lagu siinayo Hay’adda NISA oo maalmihii u dambeeyay kordhisay dhaq-dhaqaaqyadeeda, sidoo kale hay’addan oo muhiim u ah la dagaalanka Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay yeelaneyso sharci rasmi ah, kaas oo haatan la horgeeyay Baarlamaanka, waxaana horay usoo ansixiyay Golaha Wasiirada.

Sidoo kale waxay arrintan daba socotaa go’aankii uu madaxweyne Xasan Sheekh ku dhawaaqay maalintii Khamiista, kadib dibad-baxii lagu taageerayey Kacdoonka Shacabka halkaas oo uu ka sheegay in laamaha ammaanka ay tahay in adkeeyaan amniga guud.

NISA ayaa sidoo kale habeenadii ugu dambeeyay kordhisay howlgallada ay haatan ka wado gudaha magaalada Muqdisho, waxaana habeen kahor ay ku guuleysatay inay gacanta ku soo dhigtay keyd hub ah, qaraxyo iyo haweeneydii heysay, kadib markii ay ku daateen guri bartilmaameed ahaa oo ku yaal qaybo kamid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Arrimahan waxay ku soo aadayaan, ayada oo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo magaalooyin horleh looga qabsaday kooxda.