Aqri: Shirkii u socday Madaale iyo masuuliyiinta gobolka oo laga soo saaray 18 qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Banbaxa maamulka gobolka Banaadir oo maalmihii dambe ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qoddob.

Shirka ayaa waxa looga hadlay intii uu socday wadiiqooyinka lagu xaqiijin karo ahdaafta guud ee gobolka Banaadir oo ku saleysan; Amaanka, Dimuqaraadiyeynta iyo dhismaha maamul hufan oo u adeega bulshada degan caasimada iyo dhameystirka adeegyada kaabayaasha dhaqaalaha.

War-murtiyeedka kasoo baxay shirkaan ayaa lagu sheegay in la isku faray in si xoogan looga shaqeeyo amniga Muqdisho, gaar ahaan xuuraanka iyo xog-wadaaga la xiriira khataraha, si looga hortago dhagarta kooxda Khawaarijta ah oo la joogo maalmihii ugu dambeeyay ee jiritaankooda.

Waxaa la faray maamulada degmooyinka in ay xoojiyaan wacyi-gelinta dadweynaha ee ku aadan ka digista fikirka xagjirnimada iyo in meel looga soo wada jeesto kooxda argagixisada ee Khawaarijta, lalana shaqeeyo hay’addaha amaanka.

“Waxa uu shirweynaha isla qaatay qorshaha hawl-qabad ee maamulka gobolka Banaadir sanadka 2023 kaas oo ka kooban 5 tiir oo kala ah; Amniga & Cadaaladda, Siyaasadda loo dhanyahay, Horumarinta dhaqaalaha & dib-u-dhiska kaabayaasha, Adeegyada bulshada sida (caafimaadka, waxbarashada, xal u helidda barakacayaasha iyo bilic soo celinta magaalada) iyo Qodobo Qubane ah.”

Sidoo kale waxa lagu sheegay in qorshaha sanadka uu ka kooban yahay illaa 113 hiigsiyo oo ay tahay in la gaaro sanadka 2023-ka, kuwaasi oo ay hoos imaan doonaan illaa 565 hawlood oo lagu gaari karo hiigsiyadaasi.

“Shirka Banbaxa ayaa la isla gartay in ay muhiim tahay dhameystirka QAAB-DHISMEEDKA MAAMULKA gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose, si lo gaaro shaqo wanaag, waxqabad iyo isla-xisaabtan, waxaana la go’aamiyay in dhawaan la soo saari doono qaab-dhismeedka kuna soo bixi doono xeer guddoomiye.”

Shirka ayaa lagu go’aamiyay in la awood siiyo lana tayeeyo ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar, iyadoo dib u qaabayn lagu sameyn doono sharciga ay ku dhisan yihiin iyo in loo sahlo agabka iyo aqoon dhiska ay u baahan yihiin si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay war-murtiyeedkan in shirka la iskula qaatay in la dardar-geliyo hanaanka samaynta doorashooyinka golaha deegaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Hoos ka aqriso war-murtiyeedka oo dhameystiran