Ciidamada dowladda iyo shacabka oo gacanta ku dhigay sarkaal Al-Shabaab ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowlada iyo kuwa dadka deegaanka ayaa gacanta kusoo dhigay Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kadib markii ay howl-gal xoogan kula wareegeen deegaanka Baraag Sheekh Caamir oo u dhaxeysa Galcad iyo Masagawaay ee gobolka Galgaduud.

Sarkaal Shabaabka ah ee ciidamada huwanta gacanta ku dhigeen ayaa la sheegay in kooxda u qaabilsanaa deegaanka Baraag Sheekh Caamir, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdi Cali-gadiid.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xilliga la qabanayay sarkaalka ka tirsan Shbaab uu raashin u waday xubno ka tirsan kooxda.

Ciidankaan oo ka baxay magaalada Masagawaa ayaa sii maray dhowr deegaan oo ay isaga carareen maleeshiyaadkii horay u joogay ee Al-Shabaab, iyaga oo gaaray illaa deegaanka Cigo oo ay ku taallo deked macmal ah.

Deegaanada kala ah Dhabaqle, Xuseen-Cagey, Cigo iyo deegaano kale ayaa laga raacdeeyey Al-Shabaab, waxaana maanta ku sugan ciidamada dowladda.

Deegaanadaan ayaa waxaa mudo dheer maamuleysay kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ciidankii ka xoreeyey ay hadda kaabiga ku hayaan magaalada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Intii uu socday howl-galkaan ayaa sidoo kale waxay ciidamadu qabteen dad la sheegay in looga shakiyey inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmahaan dardar-gelinaya howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidankii xoreeyey Shabeellaha Dhexe hadda kaabiga ku hayaan Ceel-dheer oo Galgaduud ka tirsan.

Dhanka Mudug waxaa Hobyo, Wisil iyo Baxdo ka soo baxay ciidankii ugu xooganaa oo Danab, PSF-ta Puntland, daraawiishta Galmudug iyo xoogagga hubka qaatay ee deegaanka isugu jira, wuxuuna duulaankaas ku jiheysan yahay degmada muhiimka ah ee Xarardheere.