Macallimuu oo si weyn uga horyimid sharci uu BF ku ansixiyay ‘hab sharci darro ah’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa si adag uga horyimid hindise-sharciyeedka Cunaqabateynta Maaliyadeed ee Cayiman, kaasi oo guddoonka Golaha Shacabka uu sheegay in la ansixiyay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in hindise-sharciyeedkan oo markii hore ahaa sharci darro, lagu ansixiyay sharci darro kale, ayada oo aan la marsiin saddex aqrin, sida uu dhigayo xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

“Hadaba iyada oo shalay ay aheyd aqrintii labaad oo lixdameeyo Xildhibaan ay Golaha ku hareen, kooram sharci ansixin karaa aanu fadhiyin waxa uu guddoonkii shirka ku dhawaaqay in sharcigii Cunaqabateynta Maaliyadda ee Cayiman la ansixiyay aqrin sadaxaad iyo kooram ku filan midna aan loo baahneyn,” ayuu ku yiri Xildhibaan Macallimuu qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu arrin laga xumaado ku tilmaamay in baarlamaanka oo ah cunsurka koowaad ee dowladnimada, lana rabay in laga toosiyo ku xad-gudubka shuruucda iyo korjoogteynta hay’addaha fulinta, uu asagii ku kaco sharci darro.

“Waxaa muuqata sharciyo kale oo badan oo hadda Golaha horyaalla oo liddi ku ah Dastuurka, Diinta iyo Qawaaniinta kale ee dalku leeyahay in waddadan ay mari doonaan.”

Waxa uu sii raaciyay qoraalkiisa “Hal booli ah nirig xalaal ah ma dhasho ,natiijada iyo maxsuulka ka dhalan kara sharciga oo la baal maro qof kasta oo weyn waa garan karaa. Dadka Soomaaliyeedna Allahooda ayay qabaan.”

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS ayaa shalay cod galiyay sharcigaaan, waxaana u codeeyay 140 xildhibaan, halka ay diideen 3 xildhibaan wax ka aamusayna majirin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay guddoonka Golaha.

Ansixintan ayaa la sheegay inay timid kadib markii guddoomiyaha guddiga Maaliyada & Miisaaniyada iyo wasiirka wasaarada Maaliyada ay xildhibaanada ka codsadeen in ay anisxiyaaan, maadaama intooda badani ay dooddoodu ku saleysneyd in waxtar uu u leeyahay sharcigaan dalka.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Cabdullaahi Abshirow oo shir-guddoomiyay kalfadhigii shalay ayaa uga mahad-celiyay mudanayaasha golaha ansixinta hindise-sharciyeedkan.

“Waxaan u mahad-celinayaa mudanayaasha Golaha Shacabka oo dood wax gal ah ka dib ansixiyay hindise sharciyeedka cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman oo ay xildhibaanada horey Akhrinta koowaad usoo marsiiyeen,” ayuu yiri.

“Ugu dambeyn waxaan u mahad-celinayaa wasaaradda maaliyadda oo hindise-sharciyeedkan soo diyaarisay iyo guddiga maaliyadda ee Golaha Shacabka oo hindise-sharciyeedkan howl badan kasoo qabtay.”