Wararkii ugu dambeeyay ee saddex QARAX oo ay Al-Shabaab ka fulisay Hiiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay in ka badan 50 kalena waa ay ku dhaawacmeen saddex qarax oo shalay ka dhacay degmooyinka Buula-burte iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Laba qarax oo gawaari loo adeegsaday ayaa waxay ka dhaceen meel u dhow saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ay ku leeyihiin degmada Jalalaqsi.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee degmada Jalalaqsi oo la hadlay VOA ayaa sheegay in labadaan qarax ay waxyeelo kasoo gaartay Askar, hase yeeshe aysan jirin masuuliyiin ay wax kasoo gaareen.

“Afar qof indhahayga ayaa saaray, dadka ku dhintay askar waa ku jirtay oo nimankii xabadeeyay gaariga leyla-calaawiga ah darawalkiisi waa la dilay, sidaas ayuu ku qarxay,” ayuu yiri.

Sidoo kale qarax is-miidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay saldhiga Booliska ee bartamaha degmada Buula-burte, kaasi oo geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Yuusuf Xagar oo kamid ah howl-wadeenada caafimaad ee degmada Buula-burte ayaa VOA uga waramay sida ay wax u dhaceen, isaga oo sheegay in gaariga qaraxa laga soo buuxiyay uu qarxay kadib markii rasaas ku fureen ciidamada.

“Qarax weyn ayaa dhacay, kaasi oo ah gaari Surf ah. Jid uu maro ayuu garan waayay luuqyadii ayuu marba mid madaxa ku dhuftay markii dambe waa la dareemay. Degmada ayaa xabado looga soo riday halkii xabadaha laga soo riday ayuu toos u abaaray oo xabadihii waa kari waayeen Proof muu aha ma aqaan, meesha irideeda ayuu ku qarxay,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Xaalada magaalada korontada waa go’an tahay, aanteenada 20 daqiiqo ka hor ay imaatay, dab majiro oo jidkasta ciidamo ayaa xiray wax ganacsi ah ma socdo.”

Qaraxyadan ayaa waxay kusoo beegmayaan xili muddo bil ka hor ay sidan oo kale qaraxyo is-miidaamin ah uga dhaceen Buula-burte iyo Jalalaqsi, kuwaasi oo geystay khasaare nafeed.