Somaliland oo ogolaatay in xiisadda Laascaanood lagu…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay diyaar u tahay in wada-hadal ku dhameyso tabashada shacabka reer Laascaanood, taasi oo rabshado horleh ka riday gudaha magaalada.

Wasiirada Somaliland ee magaalada Laascaanood u jooga xalinta qalalaasihii ka dhacay magaalada ayaa sheegay in xukuumadu ay qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga gobolka Sool.

“Xukuumada Somaliland waxay taageeraysa baaqii ku saabsanaa adkaynta nabad-galyada iyo in wada-hadal lagu dhameeyo, wixii tabasho ah ee jira ee kasoo baxay xubnaha golaha wakiilada, guurtida iyo golayaasha deegaanada ee Taleex, Buuhoodle, Laascaanood iyo Xudun” ayuu yiri Wasiir Koore.

Sidoo kale waxay sheegen in xukuumadda Muuse Biixi ay bixisay magta dadkii dhintay, ayna xakamaysay ciidamada si khasaare kale looga fogaado.

“Dhmaan dadkii lagu soo qabtay qalaalasaha magaalada wey sii deysay xukuumadda,” ayey sidoo kale warbaahinta u sheegeen wasiirada Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood.

Waxay dadweynaha reer Laascaanood ugu baaqeen inay ilaaliyaan nabad-gelyada, ayaga oo dadkii dhawaan ka qaxay rabshadihii halkaas ka dhacay ka codsaday inay kusoo laabtaan magaaladooda.

Sidoo kale waxay amreen in dib loo furo goobaha waxbarasho ee magaaladaasi sida; jaamacadaha, malcaamadaha Qu’raanka, kuwaasi oo xirna tan iyo markii ay billowdeen rabshadaha muddooyinkii dambe ka taagna Laascaanood.

Ugu dambeyntiina waxay wasiiradu sheegeen in xukuumadda Somaliland ay ka go’an tahay inay wada-hadal iyo isfaham ku dhamayso tabasho kasta oo shacabku qabaan.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu soo hagaagayo amniga guud ee magaalada Laascaanood oo muddooyinkii dambe ay ka taagnaayeen rabshado salka ku haya dilalka kusoo noq-noqday ee magaalada ay ka geystaan kooxaha aan la garanayn.