VILLA SOMALIA oo wafdi u dirtay Baydhaba + Ujeedka

Baydhabo (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Xuseen Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga uu horkacayo Agaasimaha ayaa hordhac u ah wafdiga madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu gaaro magaalada Baydhabo, halkaas oo uu ka furmayo shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddiga Farsamada shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in shirka looga arrinsanayo xiisada siyaasadeed ee maamulka uu furmi doono maalinta Isniinta oo berri ah.

Guddiga ayaa sheegay in isfaham hordhac ah laga gaaray ka qeyb-galka shirkaasi, taasi oo ka dhigan in dhinacyada dhamaantooda ay kasoo qeyb-gali doonaan shirkan.

“Si aan u dhameystirno geedi-socodka qabsoomida shirka arrimaha dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, wada-tashi dhinacyo badan kadib waxaa u asteeynay furitaanka shirka maalinta Isniinta oo ay taariikhdu tahay 16-ka bisha Janaayo,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddiga.

Guddiga ayaa waxa uu faray “madaxda, siyaasiyiinta, culimada iyo odayaasha dhaqanka inay Baydhabo soo galaan ka hor inta uusan furmin shirka”, taasi oo ka dhigan in xubnaha ka qeyb-galaya shirkan ay badankooda ku sugan yihiin magaalada, inta kalena ay saacadaha soo socda gaari doonaan.

Shirkan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ah xubnaha Beesha Caalamka, kuwaasi oo si weyn uga dhiidhiyay shaqaaqadii kal hore ka dhalatay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan maamulka Koonfur Galbeed.

Shirka berri ka furmaya Baydhabo ayaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay muddo kororsiga madaxweyne Lafta-gareen.