Sawirro: Xasan Sheekh oo sagootiyay Mehmet Yilmaz

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Danjiraha Dowladda Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz oo soo gaba-gabeeyey shaqadiisa diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Yilmaz, doorka uu ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan gurmadka abaaraha, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo taageerada dowladnimada Soomaaliya.

Danjire Mehmet Yilmaz ayaa dhankiisa madaxweynaha Soomaaliya uga mahad-celiyey kulankan.

Waxa uu tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale tilmaamay sida ay uga go’an tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan xiriirka iyo iskaashiga diblumaasiyadeed ee ay la leeyihiin walaalahooda Turkiga, kuwaasi oo u soo gurmaday dadkeenna xilligii adkaa.

Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriira aad u wayn, kaasi oo ku qotoma dhinacyada diblumaasiyadda, siyaasadda, ganacsiga iyo arrimaha millateriga.

Turkiga ayaa waxa uu kamid yahay dowladaha Soomaaliya ka caawiya dhinaca Amniga, wuxuuna Muqdisho ka furtay Saldhig weyn oo lagu tababaray ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.