Wasiir Caarshe oo si kale u dhigay go’aankii Puntland, meeshana ka saaray khilaaf

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Tamarta iyo Macdanta dowlad goboleedka Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse ayaa si kale u dhigay mowqifkii ay dhawaan qaadatay dowlad-goboleedka Puntland.

Wasiir Caarshe ayaa sheegay in Puntland ay qaadatay go’aan uu xaq u siinayo Dastuurka KMG ah iyo midka maamulkeeda, islamarkaana uusan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo Puntland.

“Marka hore khilaaf abuurmay oo hadda jira majiro, Puntland lexjeclo badan ayaa Soomaaliya ka haysa oo muddo ayaa ka shaqeynaynay howlahaan, waxa hadda soo baxay waa sida u aragno in wax loo sixi karo. Marka khilaaf ayaa abuurmay hadda lama oran karo,” ayuu yiri Wasiir Caarshe oo ka qeyb-galay barnaamijka Faaqidaadda ee VOA.

Wasiir Caarshe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xiriirkii iyo wada-shaqeyntii dowladda federaalka uu sidii hore yahay, inkasta oo bayaankii dhawaan kasoo baxay maamulka uu qeexayay wada-shaqeyn kooban oo ka baaxad yar tii hore ugala dhaxeysay.

“Mowqifka aan soo saarnay waa in aan wada-hadalno anaga (Puntland) iyo dowladda federaalka, qoddobada iyo sida wax u aragno ay dooda anaga noo furato, taas ayey taladeena tahay laakiin khilaaf ma ahan ee waa sida wax loo hagaajin lahaa.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Si madax-banaan baa wax u maamulanayna wax xeyndaabka ka baxsan ma ah oo waxay ku jirta Dastuurka dowladda federaalka iyo ka Puntland. Qaabkii geedi-socodka ee hanaanka shaqada u hagaagi laheyd in la saxo ayaa rabna.”

Dowlad-goboleedka Puntland ayaa toddobaadkii hore ku dhawaaqday “in hadda kadib uu u dhaqmi doono sidii dawlad madax-banaan oo kale, inta laga dhammaystirayo dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.”

“Inta laga dhammeystirayo wada-xaajoodyada dowladda federaalka iyo dowladda Puntland, wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Puntland waxay dhiggooda dowladda federaalka ah kaliya kala xaajoon karaan wada shaqeynta mashaariicda horumarineed iyo kuwa bini’aadantinimo iyadoo la illaalinayo madax-bannaanida awoodaha fulineed ee hay’adaha dowladda Puntland,” ayaa lagu yiri bayaanka Puntland.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in qodobka 142 ee dastuurka federaalka uu waafaqsan yahay qodobka 4-aad ee dastuurka Puntland farqadiisa 3-aad uu Puntland xuquuq u siinayo inay u dhaqanto sidii dawlad madax-bannaan.