Daawo: Cabdalla Muumin oo maxkamad lasoo taagay – Muxuu ka yiri Al-Cadaala?

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta mar kale u fariisatay dhageysiga dacwado loo heysto Weriye Cabdalle Axmed Muumin oo ah Xoghayaha urur saxaafadeedka SJS.

Cabdalla Muumin oo markii ugu horeysay la xiray 11-kii October 2022 ayaa waxaa weli jiitamaya kiiskiisa, waxaana maanta su’aalo toos ah weydiiyey guddoomiyaha Maxkamadda, isagoo toos uga jawaabay su’aalo adag oo uga imaanaayey Maxkamadda.

Weriye Cabdalla ayaa aad uga cabtay wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala, isagoo soo bandhigay muran, is qabqabsi iyo arrimo khilaaf culus sababay oo dhowr jeer dhex maray isaga iyo wasiir Al-Cadaala.

Kiiskaan ayaa ka soo bilowday go’aan ay dowladdu ka soo saartay baahinta wararka la xariira kooxda Al-shabaab, gaar ahaan sheegashooyinka adag iyo baahinta afkaaraha kooxda.

Dowladda Soomaaliya oo xiligaas xirtay barihii internetka ee Al-shabaab ayaa warbaahinta madaxa-banaan ku amartay in hoos loo dhigo baahinta wararka kooxda, maadaama ay dowladdu dooneyso in gabi ahaanba Al-Shabaab saaxada laga tirtiro.

Xiligaas Cabdalla iyo u doodayaal kale oo saxaafadda ka socday ayaa si adag u sheegay in dowladdu ay ku xadgubeyso xeerarka saxaafadda oo iyadu ay dejisay, isla markaana ay go’aanadaasi caburin yihiin.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa maanta Weriye Cabdalla weydiiyey su’aalo adag oo ku saabsan shirkiisii jaraa’id ee go’aankii dowladda uu uga hor yimid, waxaana ka mid ahaa “Shirkii jaraa’id ee dabaq ku yaalla Howlwadaag aad ku dul qabatay mid lamid ah Tooratoorow maku qaban kartaa?”

Wuxuuna ku jawaabay “Maya oo xitaa Afgooye kuma qaban karo” laakiin Cabdalla ayaa aar-gudasho ku sifeeyey sida ay ula dhaqmeyso dowladdu, isagoo sheegay in Godka Jilicow uu laba habeen ku xirnaa.

“Ilaahaan kugu dhaarshee guddoomiye waaran la’aan marka la igu soo xirayo ee hadana Jilicow la ii geynayo oo laba habeen aan ku xirnaa soo aar-gudasho maaha guddoomiye? Ma argagixisaan ahay?” Ayuu hadalkiisa ku sii daray Weriye Cabdalla oo Maxkamadda hor taagan.

Su’aalo adag iyo jawaab celin mudo dhex mareysay Weriye Cabdalla Muumin iyo guddoomiyaha maxkamadda kadib. Ugu dambeyntii wuxuu guddoomiyuhu mudeeyey in kiiskaan mar kale loo fariisto maalinta Khamiista ah ee soo socota.

Hoos ka daawo