Wasiir FIQI oo shaaciyay dhacdo yaab leh oo 2018-kii ka dhacday hay’adda NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay muhiimada hindise-sharciyeedka diiwaan-gelinta dadweynaha ayaa shaaciyay dhacdo yaab leh oo “aqoonsi la’aanta sababtay” oo ka dhacday hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka.

Fiqi ayaa waxa uu sheegay in 2018-kii xubin ka tirsan hay’adda NISA oo loo xil-saaray in uu raadiyo nin Shabaab halis ah oo magaciisa uu ku sheegay Ilkacase, balse markii dambe soo baxday in xubinta NISA ka tirsaneyd uu laftiisa yahay ninka loo diray in uu raadiyo.

“Aqoonsigan muhiimadiisa waxa soo koobay nin Ilkacase la yiraahdo oo hay’adda NISA la shaqeynayay 2018-kii. Ilkacase waxa uu ahaa nin halis ah oo Shabaab ah oo dadka dila. Waxay hay’adda Nabad-sugida u shaqaaleysatay in Ilkacase uu raadiyo, Ilkacase – Ilkacase in uu raadiyo ayaa loo diray, markaas ayay cid kale ka cadaatay in Ilkacase uu yahay ninka loo diray Ilkacase,” ayuu yiri.

“Tani (dhacdadaasi) waxay keenaysa muhiimada ay leedahay in dadka Soomaaliyeed qof walba uu hal qof noqdo, Ilkacase in uu hal qof noqdo, Guddoomiyaha baarlamaanka uu hal qof noqdo laakiin hadda hebel hebel weeyi oo majiro magacyo rasmi ah oo diiwaan-gashan, oo la isla waafaqsan yahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in sharcigan la waafajiyay habraacyadii iyo mabaadida hirgelinta aqoonsiga caalamka ah, islamarkaana ay ku jiraan qoddobo waajibinaya ilaalinta xogta dadweynaha iyo masuuliyadaha ka dhalanaya.

“Sharcigaan hore ayaa Golaha Shacabka loo keenay oo wuxuu ku jiray sharciyadii lasoo celiyay, oo aan marin habraacyadii rasmiga ahaa oo aan Aqalka Sare la geyn.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Markii lasoo celiyay waxa la asteeyay oo lagu soo kordhiyay sharcigaan mabaadida maamul wanaaga, sameynta guddi maamul oo kamid noqonaya iyo qaab dhismeedka hay’adda.”