QOOR QOOR oo iclaamiyey DAGAAL saddex dhinac

Hobyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa shalay gaaray degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Axmed Qoor-Qoor oo safarkiisan uu ku wehlinayo wasiirka gaashaandhiga XFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa waxa duleedka magaalada kusoo dhaweeyay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan laba gole ee dowlad-goboleedka Galmudug, maamulada gobolka Mudug iyo kan degmada Wisil iyo qeybaha kala duwan ee bulshada degmada.

Qoor-Qoor ayaa degmada Wisil kaga dhawaaqay dagaal culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo uu sheegay in maamulkiisa uu si dhab ah u galayo, xilli uu ka socda qeybo kamid ah dalka.

“Waxaa rabna inaan qaadano kaalintii lagu yaqaanay reer Galmudug, howsha qeybtayadii hadda ayey noo taalla, weyna jabeen Khawaarijta. Maalmihii loo kala maqnaan jiray waa lasoo mooday maalmahaas waana loo wada istaagaya,” ayuu yiri.

“Ciidanka xooga dalka, Daraawiishta Galmudug iyo shacabka kacdoonka loo kala hadhi maayo, waxaa leeyahay ha loo soo wada baxo guusha waa la heli doono.”

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsaha badan ay deegaanada maamulka Galmudug uga saari doonaan Al-Shabaab, si ay uga dul qaadan bulshada dhibaatada ay ku hayso kooxda.

“Ayaga (Shabaab) dhiig xaqdarro ah ayey daadinayeen waana midka ay ku jabeen, laakiin anaga mid xaq ah ayaa kula dirirayna. Waxaa bogaadineyna ciidamada howsha bilaabay ee howl-galada wada, shacabka niyada-san ee soo baxay noqday qof qoriga qaata iyo mid taageero bixiya.”

Deegaanada maamulka Galmudug ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaasi oo kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, loogana fara-maroojiyay deegaano horleh oo sanado badan gacanta ku hayeen.