Maxaa keenay dib u dhaca shirka Koonfur Galbeed?

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Baydhaba ayaa sheegaya in uu dib u dhac ku yimid hirka dib u heshiisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo la filayay in uu maanta ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Sida aan xogta ku helnay baaqashada  shirka ayaa waxaa sababay arrimo farsamo, ayada oo la shaaciyay inuu si rasmi ah u furmayo maalinta berri ah oo ku beegan 17-ka Janaayo.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qorshuhu yahay inuu furo shirkaas, isaga oo tegaya Baydhaba, halkaas oo ay shalay gaareen wafdi hordhac u ah safarkiisa oo uu hoggaaminayo agaasimaha Villa Somalia.

Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta madaxweyne Xasan Sheekh ayaa haatan laga dareemayaa Baydhaba, ayada oo loo adkeeyay ammaanka magaaladaasi.

Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa amniga sugaya, kadib markii todobaadkii hore lagu wareejiyay dhaq-dhaqaaqa magaalada iyo xarunta shirka.

Sidoo kale waxaa magaalada ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo shalay kormeeray xarunta shirarka iyo meelaha ay dagayaan martida.

Sheekh Aadan Madoobe oo isagu dhigay gogosha shirka ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimada KMG ah ee Koonfur Galbeed, si uu u diyaaro shirkaasi.

Intiisa badan waxaa shirweynahan oo ay ka qayb-galayaan xubnaha mucaaradka looga hadlayaa xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan muranka hareeyay doorashada, kadib markii uu mucaaradka ka horyimid arrinta muddo kordhinta.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa sheegay in Lafta-gareen uusan metelin reer K/ Galbeed, waxayna horay u sheegeen inuu yahay dambiile gacan ku dhiigle ah, sida ay hadalka u dhigeen.

Koonfur Galbeed ayaa muddo wajaheyso xaalad siyaasadeed oo aad u cakiran, taas oo u dhexeyso madaxtooyada & xubnaha mucaaradka ee fadhigoodu yahay Muqdisho, waxayna xiisaddu kasii dartay, kadib gacan ka hadal ka dhashay muddo kororsiga Lafta-gareen.