Sharaxaad laga bixiyay erayga ‘Garanwaa’ ee uu XASAN Sheekh ku sifeeyay Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdalle Xuseen Yaxye oo ah La-taliye amni oo ka tirsan wasaaradda amniga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sharaxaad cusub ka bixiyay erayga uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sifeeyay Shabaabka ku dhuumaaleysanaya shacabka.

Cabdalle ayaa sheegay in madaxweynaha uu erayga “Garanwaa” ula jeedo in bulshada Soomaaliyeed lagu marin-habaabinayo afkaar qalafsan oo Diini ah, isla afkaartaasina lagu dhibaateynayo.

“Waxa la socona in dadka Soomaaliyeed lagu marin-habaabiyay afkaar Diini ah oo been ah, in dadka aysan ka haysan wacyi amni, isla iyagiina loo soo marayo falalka guracan ee loo geysanayo oo mararka qaar waxa laga yaaba in ogaal ay ku galaan oo lagu marin-habaabinayo afkaar Diini ah oo been ah, mararka qaarna iyaga ogeyn waxa ay sameynayaan iyo waxa ka dhalan kara in ay la shaqeeyaan si toos ah iyo si aan toos aheyn Khawaarijta Al-Shabaab,” ayuu yiri La-taliyaha amni ee ka tirsan wasaaradda amniga.

Waxa uu sheegay in fikirka qaldan ee Shabaab lagu baabi’in karo fikir kale oo sax ah oo wanaagsan, isaga oo tilmaamay in dagaal toos ah oo kaliya lagu ciribtiri karin, maadama ay dadka ku marin-habaabiyaan fikir qaldan oo Diini ah, sida uu sheegay.

“Waxa muhiim ah in fikir wanaagsan oo Diinta Islaamka ku dhisan lagu wacyi-geliyo dadka oo loo sheego. Kooxdan waxay dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay dadka ku marin habaabineysay aayado Quraan ah iyo Axaadiis siyaabo gooni ah oo qeybo kasoo qaateen ay dadka barayeen, oo dadka lagu cabsi galinayay fikirkaas.”

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka qaar ay uga faa’iideysan duruufo dhaqaale iyo faham yari xagga Diinta ah, wuxuuna xusay in wasaaradda amniga ay diyaarineyso qorshe ay arrintaas uga hortageyso.

“Fikir sidiisaba waxa u weyn ee lagula dagaalami karo waa fikir. Kooxdan hadda wey jabtay millateri ahaan, deegaano farabadan ayaa laga qabsaday. Waxay u baahan yihiin in dadka maskaxda laga dhaqo oo fikirkii qaldanaa ee lagu shubay laga dhaqo.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waa in la bara dadka wacyiga amniga iyo dowladnimada si uu meesha uga baxo Garanwaaga. Shacabka waa inuu fahmaan in xukuumadda ay qeyb ka yihiin oo xukuumadda iyo shacabka ay mid yihiin.”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan Muqdisho ka iclaamiyey howl-gal lagu baacsanayo waxa uu ugu yeeray ‘Garanwaa’ oo uu kala jeeday kooxaha Al-Shabaab gudaha Muqdisho uga fuliya dilalka gaadmada ah.