Ciidamada DF oo Al-Shabaab jab culus ku gaarsiiyay Galgaduud iyo Sh/Hoose

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay maanta la wareegeen gacan ku heynta magaalada Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kadib markii ay ka saareen Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ka hadlay howlgalkan ayaa xaqiijiyay la wareegitaan magaaladan oo ay mudo ka talineysay Shabaab.

Jaamac ayaa sidoo kale intaasi ku daray haatan ciidamadu ay usii jiheysteen deegaanno kale oo horleh, si ay u gaaraan Degmada Ceeldheer oo ay uga sii gudbi doonaa Mudug.

Howlgalkan ayaa waxaa barbar socday duqeymo diyaaradeed oo lagu garaacay goobaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, taas oo aad u caawiisay ciidamada huwanta.

Dhinaca kale howlgal kale oo maanta ka dhacay Shabeelaha Hoose ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab oo isku uruursanayey deegaanka Danow ee gobolkaasi.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa shaaca ka qaaday in howlgalkaas ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ee ka howlgalka Shabeelaha Hoose.

Odowaa oo u warramay warbaahinta dowladda ayaa xaqiijiyay in howlgalkaas lagu dillaa 23 xubnood oo ka tirsan, isaga oo xusay in tirada dhimashada ay intaasi kasii badan karto.

Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in ayxooggeysteen howlgallada ka socda dalka, isla-markaana la sameeyay , horumar muuqda, sida uu hadalka u dhigay.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray, maadaam dhul badan laga xoreeyay kooxda.