Kooxda DENI oo Garoowe ka sameeyey arrin yaab leh oo baaritaan lagu sameynayo

Garoowe (Caasimada Online) – Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa markii u horeysay shaaciyay in ay soo gaareen cabashooyin xad-gudubyo loo geystay dad barakacayaal ah oo degan gudaha caasimadda Garoowe.

Sida uu sheegay xafiisku waxa arrintaan ka dambeeyay “dad awood ku leh xukuumadda Saciid Deni” kuwaasi oo xogo ay heshay cadeynayaan ku lug lahaanshahooda gabood-fal ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Arrinta lama filaan ah ee xad-gudubyada loogu geystay dadkan barakacayaasha ayaa la sheegaya in ay tahay “xoog ku diiwaan-gelin” kadib markii kooxda Deni ay isku dayday in barakacayaasha uga faa’iideysato qorshaha doorashada.

“Xafiisku wuxuu walaac ka muujinayaa dhacdadaas foosha xun ee la doonayo in laga raro dadka barakacayaasha ah rugahoodii iyada oo looga faa’iideysanayo duruufaha ay ku sugan yihiin iyo baahidooda.”

Waxa uu intaas kusii daray xafiisku “Shakhsiyaad doonaya in ay ku daneystaan barakacayaasha ayaa si gaar ah indhaha ugu hayna, iyaga oo cadaadis ku saaraya inay u fuliyaan danahooda gaarka ah.”

Xafiiska Difaaca Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa uga digay xukuumadda Puntland inay u adeegsato hantida dadweynaha danaheeda gaarka ah.

Qorshaha barakacayaasha loo daad-gureynayay ayaa lagu sheegay in laga diiwaan-geliyo degaanka Beyla oo ka tirsan gobolka Karkaar kadib markii diiwaan-gelinta lagu muransan yahay ee xukuumadda Boosaaso ka bilowday aysan dadweyne badan usoo dareerin.

Dhinaca kale, Booliska gobolka Nugaal ee degmada Dangorayo ayaa qabtay labo gaari oo ah nooca waaraadka ay Soomaalidu u taqaano, kuwaasi oo laga soo buuxiyay barakacayaal u badan haween iyo caruur oo laga keenay Garoowe.

Saciid Deni iyo kooxdiisa ayaa raba inay ku gacan sareeyaan mashruuca uu ku dhagan yahay Deni ee “doorashada qof iyo cod” taasi oo mucaaridka maamulkaasi ku tilmaameen mashruuca dib usoo laabashadiisa.

Taliyihii hore ee ciidanka Booliska Puntland Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa dhawaan daboolka ka qaaday rabitaanka guracan ee Saciid Deni, isaga oo sheegay qorshe uu madaxweynaha ku qasbayo saraakiisha ciidanka.

Cali Yare ayaa sheegay in madaxweyne Deni uu isku dayay in uu ku cadaadiyo saraakiisha amaanka meel-marinta doonistiisa gaarka ah, xili ay socdaan doorashooyinka maamulkaasi.

“Dad ka badan 600 qof oo ciidanka Madaxtooyada galbinayaan ayaa la keenay xili ay guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinku noo sheegeen in codbixintu ay xirantay oo dadka safka ku jira markaas ma ahane aan cid kale gadaal looga soo dari karin,” ayuu yiir.

Waxa uu sheegay in Saciid Deni oo ururkiisa KAAH looga guuleystay doorashadii saddexda degmo uu xiligaas bixiyay amaro uu ku doonayay in saraakiisha amniga iyo guddiga doorashooyinka ay badalaan natiijada saxda ah ee doorashooyinkaas.

Arrimahan ayaa sare usii qaadaya walaaca ay siyaasiyiinta mucaaridka ka qabaan doorashooyinka ka socda maamulkaasi ee lagu sheegay inay yihiin “qof iyo cod”.

Mucaaridka Puntland ayaa dhowr jeer madaxweyne Saciid Deni ku eedeeyay in uu leexiyay hanaankii doorashada, taasi oo ka dhigeysa “doorashooyinka qof iyo cod” oo la ogyahay inay yihiin kuwa ugu xalaalsan noqdaan kuwa ay hareeyeen musuq-maasuq iyo boob ku qotoma awood sheegasho xukun.