Wararkii ugu dambeeyay ee QARAX is-miidaamin ah oo ka dhacay Hiiraan + Sawirro

Beledweyne (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar is-miidaamin ah oo ay markale kooxda Al-Shabaab saaka ka fulisay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bartamaha magaalada, isla-markaana uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay.

Dadka ku dhintay weerarkan waxaa kamid ah taliyihii C.I.D-da ee Beledweyne, Marxuum Jamaal Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobta uu ka dhacay qaraxa is-miidaaminta ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo kasoo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka Halgan oo ku aadan weerarkaasi is-miidaaminta ah ee saaka ka dhacay deegaankaasi.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada halkaasi.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay la beegsatay xero ciidan oo ku taalla Halgan, Hiiraan, HirShabelle, Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa kusoo adayo, ayada oo maalin kahor kooxda Al-Shabaab ay saddex qarax ka fulisay gudaha magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan illaa 15 qof iyo dhaawac 50 kale oo u badan dad rayid ah.

Si kastaba, Hiiraan ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ku aadan weerarada Al-Shabaab oo ku soo koobmay qaraxyo, kadib markii inta badan kooxda laga saaray gobolkaasi.